
Mishaari Masaggo
- English
- Sorghum Porridge
- Français
- Porridge au Sorgho
- العربية
- شوربة السورغم
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Baaquli waxaad ku-shubtaa burka massaggada.
Biyaha ku-shub.
Si fiican u-walaaq hubina inay kuuskuus lahayn.
Digsi dab dhexdhexaad saaran waxaa ku-shubtaa caannaha.
Biyaha ku-dar.
Massaggada 00 aad qastay ku-dar.
Si-fiican oo joogta ah u-walaaq.
Cusbada ku-dar.
Sokorta ku-dar.
Si- fiican u-walaaq.
Waa sida laga rabo inay noqoto.
Mishaarida baaquli ku-shub, ciir ama caanno garoor ku-shub.
Saliid macsaro ama subag ku-dar.
Filfil madow oo shiidan ku-dar.





Faallooyin
36 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Xawaash.com mabo aqaano wax aan idinku abaal gudo coz meel weyn Noga so baxden allah ayaan jannno idinkaga baryaa
Ducada aad noogu ducaysay ayaa abaal gud weyn inoo ah. Mahadsanid walaal.
As I’m gluten-free, Sorghum flour is a flour which is more well known in Africa than Caribbean.
So to come across this recipe amongst the other fantastic recipes is a sheer delight…Shukran 🙂
Thank you very much for your kind words. We are happy you like the website.
asc walaaal aad ayaa umahadsantihiin wax badan aa niiga faaiday walhi musharidan waan sameeyay lakiin 10 minut wali biseel maila ahan caano bes leena ku kariyay marka suaasho waxaa waaye caanaha bes maan kadhaafa?
Maansha Allah,Ilahay waxaad ku faraxdaan ha idin siiyo waad noo faaidayseene Ilaahay waxaad jeceshihiin ha idin siiyo.
Adigana qeyr badan ayaan kuu rajaynaynaa. Mahadsanid.
Thanks brother and sister for your videos I benefited big time. Is it possible if you can have videos for malawah iyo gaxwah Somali please
You are most welcome, brother Adan. God willing, we will post the recipe for malawah before Ramadaan and we will also post a recipe for qaxwo (Somali coffee). Thank you.