
Buskud Lamaane
- English
- Sandwich Cookies
- Français
- Biscuits Sandwich / Spritz
- العربية
- بيتي فور بالمربى
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Waxaan joogay meel baabuurka lugaha iyo fariinka la iiga beddelaayay. Lacagta la ii sheegay aad ayay iila badatay. Waxaan lacagta bixiyay anigoo faraxsanayn. Arrintaas afkayga qaraar ayay ku reebtay, laakiin waan aqiinay sida aan isaga bi’in lahaa. Waxaan aaday dhanka uu yiilay miis ay saarnaayeen buskud iyo kafee loogu talagalay macaamiisha. Marka aan soo galay ayaan xabbad buskud ah ka dhedhemiyay meeshaas. Hal eray keliya ayaa lagu tilmaami karaa buskudkaas: yaa salaam! Waa run oo kuwaas waa laba eray laakiin waxaan rajeynayaa inaad ujeeddadeyda fahanteen.
Caadi ahaan, buskudkaas lacag la’aanta ah, xabbad ka badan kama qaadan jirin. Maantase, aar gudasho ayaan u socday. Xabbad kale ayaan soo qaatay, waxaana hore ka aaday baabuurka oo Leila igu sugeeysay.
Intaanan baskudka siinin waxaa u sheegay lacagta la iga qaatay. Waxaan ku dhahay, “Laba kun ayay naga dileen laakiin anigana waan ka aargutay oo LABA buskud ayaan ka qabnaa. Hadda waa sinannahay!” Labadeenaba waan qosolnay.
Leila waxaan u sheegay in buskudkaan uu i xasuusiyay Xamar. Waxaan xasuustay markaan aadi jiray British Council Library oo ku yiilllay bartamaha magaalada. Markaan lug ku mari jiray Shineemo Xamar gadaasheed, waxaa ii soo carfi jiray buskud. Caraftaas waxay ka imaan jirtay foorno Talyaani ah oo magaceeda ahaa Mariottini. Waxay sameyn jireen buskud cajiib ah oo aan laga sheekayn karin. Taas waa Xamar Caddadii la yaabka lahayd.
Waxaan kaloo soo xusuustay waqti kasii horreeyay, goor uu nasoo booqan jiray awoowahay hooyaday dhalay, awoowe Maxamed Cabdulle “Mulyux”. Maalmaha Jimcaha ayuu nagu soo booqan jiray gurigeenna ku yiillay Lambar 4 (KM 4), asagoo taksi kasoo qaadan jiray xaafadda Sheekh Suufi. Wuxuu ahaa nin aad loo jecel yahay waxaana laga garan karaa sida ay dariskiisa u jeclaayeen. Reer Sheekh Suufi uguma wici jirin Mulyux. Waxay u yaqiinneen Maliix (kan fiican).
Waxaan xasuustaa inaan albaabka ku ordi jirnay markaan codkiisa maqalno. Mar walba wax ayuu inoo keeni jiray, badina wuxuu inoo keeni jiray buskud uu inooga soo gadi jiray foornada Mariottini. Xasuus fiican oo aan la illoobi karin ayuu nagu reebay. Waxaan idinku dhiiragelinaynaa inaad sidaas oo kale ugu roonaataan caruurta yaryar oo eheleda ah. Markay weynaadaan idin ma illoobi doonaan oo weligooda qalbiga ayay idinku haynayaan.
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Buskud Lamaane
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Waxa uu ka kooban yahay Sida loo sameeyo buskudka Sokorta baaquliga makiinadda ku shub. Buurada ku dar.
Surcad sare ku garaac muddo 5 daqiiqo.
Ukunta ku dar. Surcad sare ku garaac muddo 2 daqiiqo.
Faniilaha ku dar. Si fiican u qas.
Labeenta la garaaco ku dar, si fiicanna u qas muddo 1 daqiiqo. Labeenta waxaa ku beddeli kartaa caano iyo buuro.
Burka ku dar.
Surcad yar ku biloow, kaddibna kordhi. Surcad dhexdhexaad ah ku qas muddo 1 daqiiqo.
Isticmaal kiishka qurxiska oo cabbirkiisa yahay 16″ (40 cm) iyo dublad Wilton #6B. Fiidiyaha ka daawo sida buskudka loogu sameeyo. Waxaa ku dul sameysaa bir saliid la mariyay ama mid xaanshi foorno saaran tahay.
Ku dub foorno lasii kululeeyay 400°F/204°C muddo 12 daqiiqo. Dhig ha qaboobaan muddo 5 daqiiqo. Buskudka nuskiisa malmalaaddo ama shukulaato mari. Nuska kale ku dheji.





Faallooyin
55 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
السلام عليكم …اشكركم من قلبي علی هذا القناة الراءع الله يسلمكم …عندي سؤال بخصوص بيتي فور ..انا جربتها طعمها راءع بس بصراحة شكلها مو نفس شكل بيتي فور الي انتم سويتها ما اعرف ليش.؟ اريد ان اعرف ليش ضعفت حجمها لما دخلتها علی الفرن …جاوبوني اشكركم
وعليكم السلام ورحمة الله وبركاته
هل اضفت البيكنج بودر؟ هذا النوع من البيتفور لايحتاج الى خميرة
Love the simplicity of the recipe mahadsanid
Thank you for your kind words.
I have made this recipe several times over the past 6 months – everyone loves them. I am so glad I found it… thanks for sharing.
You are very welcome. Thank you very much for letting us know.
Is your vanilla essence non alcoholic? And if it is where can I purchase it here in the USA.
Foster Clarks vanilla essence is alcohol free. You can buy it online or at Halal stores.
Asc. Walalyaal waad mahadsantihiin sidaa aad noogu hogar baxden walalayaal waxan idin ka codsana inaad pasta lisaanyo noo soo galisaan jasaakalahu
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Adigaa mahadda mudan walaal. Insha’Allaah waan soo gelin doonnaa.