
Biitso 4 Nooc
- English
- Pizza 4 Ways
- Français
- Pizza 4 Façons
- العربية
- البيتزا – 4 انواع
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Cajiinka Biitsada
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Habka loo diyaariyo cajiinka biitsada Burka cabbir. Dhexda wax yar banneey.
Qamiirka ku-shub.
Cusbada ku-dar.
Sokorta ku-dar.
Saliidda ku-dar.
Wax yar biyo ku-dar oo faraha tartiib ugu qas.
Biyaha kiskis ugu dar ee qas.
Si-fiican u-rifaaq muddo 10 daqiiqo.
Cajiinka baaquli saliid la-mariyey ku-rid. Dabool ee ha-qamiiro muddo laba saacadood. Hawada ka-saar, haddana dhig ha-qamiiro muddo hal saac. Markaad hawada ka-saartid qaboojiyaha ayaad gelin kartaa ilaa saddex maalmood.
Fidiska cajiinka Cajiinka nuskiisa isticmaal si aad uga sameeysid biitso dhexdhexaad ah.
Cajiinka u-fidi wareeg cabbirkiisa yahay 12″ (30 cm).
Sida loo sameeyo suugada biitsada Basasha saliidda ku-dallac ilaa ay ka-jilicdo.
Tuunta (toonta) ku-dar oo 1 daqiiqo kari.
Yaanyada shiidan ku-dar.
Yaanyo shiishiidda ku-dar.
Cusbada ku-dar.
Filifisha ku-dar. Sokorta ku-dar (haddaad doontid). Kari ilaa ay suugada ka-gursato.





Faallooyin
50 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
waad ku mahadsantihiin sida fiican eed dadka ugu soo gudbiseen ee pizzada markii la xashay ee suugada lo sameeyay sidee laysku yidhi ma too ayaa sidii sabaayada o shiilayaa suugadana dushaa laga saarayaa mise dushaa laga saarayaa plz ii kala sheega.
waad mahadsantihiin
Adigaa mahadda mudan walaal. Waxaa muuqata fiidiyaha inaadan wada fiirsan. Cajiinka inta la fidiyey kaddibna suugadda korka ayaa laga saaray. Biitsada foornada ayaa lagu dubaa lama shiilo.
Wonderful and simply sensational and versatile. Great tips on how to cook the pizza. Everything is perfect. Is there a way this recipe can enable printing? Thank you very much. E’teekum alf afia.
Thank you very, very much for your wonderful comment. This is one of the older recipes before we switched to the new format. God willing we will enable the printing.
maansha waa sadaqo fiican gabdhaha yar yar ee ku korey dibadaha ayaa aad uga faaiideystey, maxaa dhacay daris iyo waalid u diyaar ah oo cuntada baraayo way adag tahay sida loo helo hada, marka qayr badan allaha idin siiyo waayeelkana kama marna sidaydoo kele ayaan pizada ka faaiidaystaan.
Waa wax loo baahan yahay dhalinyarada dibadaha jooga inay dhaqankooda bartaan. Waan ku faraxnay inaad jeclaatay Biitsada. Qayr ayaan kuu rajaynaynaa. Mahadsanid.
Waad ku mahadsantihiin walaalayaal sida aad bulshadiin aqoonta ugusoo gudbiseen, wiliba waan idinku dhiirigalinaa ina aad afsomaliga kor uqaadan gaar ahaan cabirka iyo magacyada ay ka koobantahay cunadda.
Adigaa mahadda mudan walaal. Waan ku faraxnay hadalada wacan oo dhiiri gelinta leh. Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay.
Assalamu aleykum could you tell me how to make a soft base for the pizza?
Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.
You can use the fourth recipe (Eggplant and Tomato Pizza) and spread the dough with your hands.