
Caano Baraawe
- English
- Peera
- Français
- Peera
- العربية
- فدج براوي
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Caano Baraawaha waxaa magaalada Baraawe looga yaqaanaa peera. Ereyga peera asalkiisa waa af-Hindi, waxaana halkaas laga fahmi karaa inay magaalada Baraawe ahaan jirtay magaalo xiriir baacmushtari la lahayd dhulalka kusoo jeeda Badweynta Hindiya. Dhulka Hindiya peera waxay leedahay magacyo kale: peda, pera, pedha. Gobolka Gujaraat peerada waxaa looga yaqaana penda. Af-Baraawaha, erayga penda waa ficil micnihiisa waa jecloow. Peerada aad ayaan u jecelnahay. 🙂
Sameynta Caano Baraawaha wuxuu ahaan wax waqti dheer qaata. Dab yar ayaa lagu karin jiray, waxayna qaadan jirtay dhoor saacadood inay caanaha gursadaan. Caanaha lama kor taagnaan jirin, ee muddo kaddibba xoogaa ayaa la walaaqi jiray. Taas waxay keeni jirtay inay caanaha digsiga ku dhegaan oo gaduutaan. Caano Baraawaha aan naqiinnay wuxuu lahaa midab marriin furan. Caano Baraawaha meelaha kale wuxuu lahaan jiray midab maroon ah oo madoow u dhow.
Caano Baraawaha waxaa kaloo laga sameyn jiray caano geel, wuxuuna noqon jiray mid leh dhanaan yar. Wuxuu kaloo noqon jiray mid ka adag kan laga sameeyay caano lo’aad. Baraawe waxaa aad looga jecel yahay kan caanaha geel lagu sameeyay.
Tallaabada ugu muhiimsan marka la sameynaayo Caano Baraawaha waa walaaqidda marka dabka laga dejiyo. Lama rabo inuu adkaado markuu dabka saaran yahay. Taas waxay ka dhigeysaa wax adag oo margi oo kale ah. Waa tallaabo xoogaa dhib badan laakiin waa lagama maarmaan.
Sida asalka ah, bur laguma dari jirin Caano Baraawaha. Waxaan aragnay in uu burka fududeynaayo sameyntiisa. Baraawe markuusan toosin caano Baraawaha, waxaa lagu dari jiray sokor oo lagu walaaqi jiray marka dabka laga dejiyo. Taas waxay u baahan tahay qibrad.
Markaan dhahno ha la isticmaalo dab dhexdhexaad ah, waxaa ogaataan inuu dabka isku wada mid ahayn. Dadka qaarkood dabkooda wuu ka kulul yahay waxayna keeni kartaa inuu Caano Baraawaha margi ka noqdo ama aad inuu u adkaato. Ha ka walwalina hadday sidaas indinku dhacdo. Caano Baraawaha digsiga ku celiya waxaana ku dartaan 1/2 koob caano ah, dabkana saara. Markuu dhalaalo, xoogana billaabo inuu is qabsado, dabka ka deji, si fiicanna u walaaq. Hadduu Eebbe idmo wuu toosi doonaa, dhadhankiisana wuu kasii fiicanaanaaya.
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Caano Baraawe
Soo’da #2
Soo’da #3
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Waxyaabaha uu ka kooban yahay: Soo’da 1aad Diyaarinta Caano Baraawaha: Soo’da 1waad Caanaha ku shub digsi 12 litir qaada. Dab dhexdhexaad-sare ah saar ilaa ay ka karaan.
Sokorta ku dar.
Hadba walaaq si aysan caanaha u daadanin.
½ saac kaddib waxay noqonaayaan caano la gursiiyay (condensed milk). Hal qaaddo weyn saliid ku dar markuu Caano Baraawaha bilaabo inuu digsiga ku dhego. Si fiican u walaaq.
Markuu culusaado (25 daqiiqo ka dib), burka ku dar. Si fiican u walaaq.
Saliidda inta hartay ku dar. Kari muddo 5 daqiiqo adigoo walaaqaysa.
Haylka ku dar, kaddibna walaaq. Dabka ka qaad. Muddada kariska waa 1 saac.
Dabka ka qaad, kaddibna si fiican u walaaq muddo 2 daqiiqo. Walaaqiddaan af-Baraawe waxaa loo yaqaannaa “Khpataanisha”. Waa tallaabo muhiim ah.
Dhaqso ka geddi. Weel saliid leh ku geddi. Shan daqiiqo kaddib, dhinacyada kasoo qaado oo kuuskuus.
Caano Baraawe Waxyaabaha uu ka kooban yahay: Soo’da 2aad Diyaarinta Caano Baraawaha: Soo’da 2aad Digsi 8 litir qaada ku shub caana booraha, sokorta iyo caanaha. Si fiican u qas.
Dab dhexdhexaad sare ku kari.
Saliidda kis kis ugu dar markuu bilaabo inuu hoos ku dhego.
Haylka ku dar. Si fiican u walaaq.
Burka ku dar, kaddibna walaaq. Muddada kariska waa 20 daqiiqo.
Dabka ka deji, si fiicanna u walaaq.
Meel saliid marsan ku geddi.
Fidi.
Sida aad jeceshahay u jarjar intuusan adkaanin.
Caano Baraawe Caano Baraawe Diyaarinta Caano Baraawaha: Soo’da 3aad Diyaarinta Caano Baraawaha: Soo’da saddexaad Digsi 6 litir qaada ku shub caanaha macaan la gursiiyay, sokorta iyo caano.
Dab dhexdhexaad ku kari. 10 daqiiqadoo ugu dambeeya saliidda ku dar.
5 daqiiqo ugu dambeysa burka ku dar, si fiican na u walaaq.
Haylka ku dar, kaddibna walaaq.
Dabka ka qaad, si fiicanna u walaaq.
Kuus kuus ka dhig. Haddii aadan kulayka u adkaysan karin, qori ku fidi.





Faallooyin
70 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
thanks for this recipe.am from mombasa and i really love your recipes. for how long does Peera keep before expiring? i would like to make it but am not sure if it keeps for long.**i don’t have a fridge.thanks
asc dhamaantiin waad ku mahad santihiin bandhiga fiican aad xawaash.com noogu soo bandhigteen taas oo ah barashada cuntada thanks
Adigaa mahadda mudan walaal. Waan ku faraxnay faalladaada.
Can I use 2% milk instead?
Thanks for the site!
Yes, you can, but the full cream milk is better. Thanks.
Asc walaalayaal aad ayaad umahadsantihiin ilaahey qayr haydin siiyo aad ayaan uga faa’iidaysanay webkan,waxaan umaleynaa inaad noo noqoteen hooyo camal oo gabdhaheeda wax bareysa ilaahey haydinka abaal mariyo.
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Ducadaada iyo faalladaada aad ayaan ugu bognay, waanna ku faraxnay. Ilaahay ha kaa abaalmariyo. Mahadsanid walaal.
asc wr wb marka dhaman bahda iyo shaqalaha webka xawaash.com waan u mahadcelinaya sida wanagasan ee furfuran ay inooga cawiyenan barashada macmacanka wadankena aad ayana uga hela inan an barto wayabaha aan qasatan anaga dhaqanka u lehnahay markale iyo markale tusen takk
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Adigaa mahadda mudan walaal. Waan ku faraxnay inaad jeclaatay goobta Xawaash iyo inaad ka faa’iidaysanaysid. Aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay.