
Qumbe – Zinoolo za Naazi
- English
- Coconut Burfi
- Français
- Burfi à la Noix de Coco
- العربية
- حلاوة النارجيل
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Digsi dab sare saaran waxaa ku-shubtaa caannaha.
Caanaha gasaca ku-dar.
Qumbaha ku-dar.
Sokorta ku-dar.
Markuu karo, dabka dhexdhexaad ka-dhig.
Toban daqiiqo kaddib, buurada ku-dar.
Dabool hadduu fanfaniinka bato.
Labaatan daqiiqo kaddib markaad kariska bilowday, “Custard powder”-ka ku-dar.
Heylka ku-dar intaadan ka-dajinin, si-fiicanna u-walaaq.
Markuu diyaar yahay, qumbaha wuu isku-imaanaayaa.
Meel aad saliid maristay ku-gadi.
Intuu kulul yahay fidi.
Buurnaanta aad jeceshahay u-fidi.
Jarjar markuu qaboobo.
Sida aad jeceshay u-jarjar.





Faallooyin
73 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Salaams
Marka ugu horeeysa aad iyo aad ayaad umahadsantihiiin. I am a working mom of 5 kids and your website has been a life saver. When my coworkers are looking at the Kraft website to get an idea to dinner, I look at your website to get mine. When I am looking at the website I say to myself;” kuwaan maa iga fiican, aniga hooyadeey 9 billood bay igu dhasahay!”LOOL. Again I thank you from the bottom of my Saafi Somali Heart.
Warmest Regards
Uunsiney
Waad naga qoslisiisay! 🙂 Waa runtaa waxaa loo baahan yahay kalsooni qofka inuu qabo uuna aaminsan yahay hadduu dadaalo inuusan qofna ka fiicnaan karin. Aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay, Uunsiney.
jAK… Maybe sonkortaa ku yareeyay, sababtoo ah color kissu wuxuu noqday brown mesh a Uu sawika ka Yahay Paige … Bal sonkortaan ku kordhin……
Nala socodsii.
CID wanaagsan Walaal, waaaant sameeyay qunbaha brown buu iga noqday wuuna Jilicsanyahay , what am I doing wrong, was marking 4 raad an suubiyo .. ,ma soo galin kartaan loos plz. Thankx
Hadduu karis u dhiman yahay wuu kaa jilcaa ama haddaad sokorta ku yareysay. Hadduu Eebbe idmo waan soo gelin doonnaa laws sida loo sameeyo. Ciid Wanaagsan.
sc my dear cuz i hope you and rest of the family are well i reduced the sugar (becouse of too much sweat )is that ok
Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.
We are all doing well. Thank you for the comments.
We already reduced the sugar, so you should not reduce anymore. Sugar is what glues everything together.
A/C
Hi the other day i made coconut burfi and it turned out soft ,is this how its supposed to be or not
Thank you
Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.
How are you Halima? We hope everything is well.
It is supposed to be crumbly, not soft. If you did not cook it enough, it becomes soft.