
Doolshe Casiir Leh
- English
- Orange Juice Cake
- Français
- Gâteau au Jus d’Orange
- العربية
- كيك بعصير البرتقال
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Casiirka kor looga shubaayo
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Diyaarinta doolshaha Sokorta iyo ukunta isku garaac muddo 5 daqiiqo. Surcad sare isticmaal.
Saliidda ku-shub.
Ku-dar qamiirka “baking powder-ka”.
Faniillada ku-dar.
Ku-dar casiirka oranjada.
Si-fiican isku-qas muddo 2 daqiiqo.
Burka ku-dar.
Surcad yar ku-qas muddo 1 daqiiqo.
Birta doolshaha (9½” ama 24 cm) oo saliid iyo bur marsan ku-shub. Waxaa ku-dubtaa foorno la-sii kululeeyay 350°F/177°C muddo 45 ilaa 50 daqiiqo.
Waa diyaar in foorno la-geliyo Doolshaha oo la-dubay Casiirka oranjada Casiirka kor looga shubaayo Casiirka oranjada iyo sokorta isku qas ilaa ay sokorta ka-dhalaasho.
Doolshada fargeeto ku-dulduleeli.
1 koob oo casiirka oranjada ku-shub.
Doolshaha oo casiirka lagu shubay Doolsha oo la-geddiyay Casiirka haray oo lagu shubaayo Kor uga-shub 3 qaaddo weyn oo qumbaha shiidan. Kaddib, doolshaha saxan ku-geddi (saxanka waa inuu ka weynaado doolshaha).
Kor uga-shub koobka casiirka haray (qaaddo isticmaal).
Ku-shub qumbaha haray. Qaboojiyaha geli muddo 3 saacadood ugu yaraan intaadan qaddimin.





Faallooyin
82 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Everyone loves this cake, thanks!! Your recipes are easy to follow and I am also seeing parts of your country.
We are happy to know that. Thank you!
Walaalayaal wan idin salaamay wallah wax aan sheego maba aqaano waligey ma arag daacadnimadiina oo kale waayo sida qiyaastaleh fudeedka leh wax ubareesaan dadka .majecli inaan bixiyo comments. laakiin idinkoo kale waa istaahishaan. Alle ayaa mahad leh idin waa fajiyay sidaan. thanks a lot
Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay waqtigaaga aad inoo hurtay inaad faallo noogu soo qortid. Waa naga farxisay ee Eebbe ha kaa farxiyo.
Salamu alaykum,
Hello, the cake looks brilliant and I think I am going to make it this Friday. Although, I was just wondering, can I substitute canola oil with palm oil? Also, if I use one egg less from the original recipe what will happened to my cake? Can I add milk in this recipe, how much? Thank you in advance.
Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.
You can use palm oil instead of canola oil if you wish, but the eggs are important. If you make all those changes then you will end up with a totally different recipe.
U jawaabaya A&L
Thanks for your advice. I made this cake just now and it came out perfectly. I followed the recipe exactly but only substitute canola oil with palm oil. While the cake bakes, my husband told me, are you baking something because the house smells good. He tested the cake and loved it. Masha Allah, you made into a good baker. Thank you very much. May Allah bless your good work!! Jazzakum Allahu Khayr.
U jawaabaya Anna Muhammad
You are most welcome sister. We are happy you and your husband liked the cake. Thank you for letting us know. We wish you all the best.
WALAL RAALI IGA AHAAW ADIGO MAHADSAN MA ANAN KU FAHMIN QABOJIYAHA GORMA LA GALINAA AFTER MARKI LA DUBO OO QUMBAHA LAGU KOR SHUBO MASE PLZZ ISO SHEG
Markaad casiirka oranjada ku shubto oo qumbaha ku shubto kaddib ayaa qaboojiyaha gelinaysaa. Doolshaha noocaan assaga oo qabow ayaa la cunaa. Boga doolshaha haddaad ku noqotid waad arkaysaa. Mahadsanid.
asc walal ad baan idin kugu mahad celinayan cake waa cake ad u macan badan manta ayan sameyay masha.alaah si aad u qurux badan ayuu igugu so baxay ,walal waxan rabay in an ku weydiy adigo rali iga eh ma fridge ayan galiyaa mase bananka wa logaga tagi karaa couse malmo ino i yaalo macqul eh marka plzz iso sheeg inaa an u fridge u bahan yahay iyo in kale sababto ah dad ban arkay fridge galinayo asc
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Waan ku faraxsan nahay inaad jeclaatay doolshaha. Sida ku qoran soo’da qaboojiayaha waa inaad gelisaa muddo 3 saacadood intaadan qadimin. Dhoor maalmood ayuu oolaan karaa. Mahadsanid walaal.