
Digaag La Shiilay
- English
- Fried Chicken
- Français
- Poulet Frit
- العربية
- بروست الدجاج
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Digaag La Shiilay
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Diyaarinta digaagga la shiilay Digaaga 8 gabal u jar, caddiintana ka jar. Dhaq kaddibna qallaji.
Isku dar 2 koob caanaha garoorta, 2 qaaddo weyn maraq digaag, 1 qaaddo yar filfil madoow iyo tuunta shiidan. Si fiican isku qas.
Ku qas gaballada digaagga. Qaboojiyaha geli ugu yaraan muddo 3 saacadood.
Isku shaqshaq 3 koob bur, 3 qaaddo weyn maraq digaag, 2 qaaddo yar filfil madoow. Si fiican u walaaq.
Digaagga burka geedaha leh si fiican u mari.
Dhig ha qalalaan muddo 20 daqiiqo.
Haddaad rabtid maqaar adag, mar labaad caanaha ku rid kaddibna burka mari.
Ku shiil saliid kulaylkeeda yahay 350°F/177°C adigoo isticmaalaysa dab dhexdhexaad ah. Shafafka shiil muddo 14 daqiiqo ah, lugahana shiil muddo 16 daqiiqo.
Saliidda ka saar. Shabaq saar inay saliidda ka baxdo.





Faallooyin
39 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Aad ayaad ugu mhdsantihiin howsha weyn ee aad u heysaan umada aadna waan idinka faa’iidnay thnks alot waxaan rabay inaa idin weydiiyo caanaha badalkeeda yoguort ma ku dari karaa
Is this recipe supposed to be close to the legendary Al-Baik?
Add ginger to it and it will be closer to Al-Baik.
Asw. This looks amazing and delicious and I love your recipes and website but I was wondering if I could do this recipe with chicken breasts for 2 people and what adjustments if any I’d have to make in ingredients and preparation. Thank you so much. Jazakallah khair.
Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.
Thank you very much for your confidence in our recipes. You should divide everything by three.
Walaal waad ku mahadsantihiin samo-falka aad noo suubisaan markasta. FADLAN HEES WALBA IYO MUYUUSIG WALBA MAAHA XAARAAN. FADLAN HAKA REEBINA HEESAHA FIICAN EE SUUGAANTA SOOMAALIYEED.
WAXAY DADKA KA CAAWINAYAAN DIYAARINTA CUNTADA JIKADA (HEES HAWLEED AHAAN)HADDII KALE WAXAY NOQON SIDII OO GEERI CUNTO LAGU KARINAYO. MAHADSANID
Adigaa mahadda mudan walaal. Waa ku mahadsan tahay faallada wacan. Muusikada ma aynaan joojin, hadduu Eebbe idmana ma joojin doonno. Muusikada waxay ka mid tahay nicmooyinka Eebbe nagu mannaystay.
oooohh manshallah that looks soo good can i use deep fryer??? with you for us
anything is possible . can’t wait to try it.
Thank you so much. We are happy to hear from you.