Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Labaniyad
Macmacaan

Labaniyad

English
Custard
Français
Costarde / Crème dessert
العربية
الكاسترد

Waxaa qoray · ·

9 mukawin 18 tallaabo Diyaarin 5 daqiiqoKarin 10 daqiiqoWadar 15 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Wax badan ayaa nalaga codsaday inaan soo gelinno sida loo sameeyo labaniyadda, waxayse nala tahay in badi dadka naga codsadeen ay filanaayeen inaan ka sameeyno “custard powder”-ka gasacyada ku jira. Haddaysan ukun ku dhibeeynin, ma jirta sabab kaa reebeeysa inaad sameeysatid labaniyadda asalka ah. Midda asalka ah way fududdahay, waxay ka kooban maqaaddiir aad u yar, wax badanna ayay ka macaan badan tahay tan diyaarka ah.

Labaniyadda waa macaan kuleeyl iyo qaboow labadaba ku fiican. Waxyabaha aan ku jecel nahay soo’daaan waxaa ka mid ah sida looga sameeyn karo dhowr nooc oo kala duwan. Haddii aad waraangada ka yareeysid ama kaba dhaaftid, kuleeylna ku cabtid, waxaa sameeyn kartaa cabitaan aad u fiican waqtiyada qaboobaha. Cabitaankaas wuxuu kaloo aad u fiican yahay markii hargab (duray) kugu dhaco oo aad u baahan tahay wax kulul oo nafaqo leh inaad cabtid. Haddaad doontid waxaa ku darsan kartaa shukulaato, middaas oo cabitaanka sii fiicnaynaysa.

Labaniyadda marna kama xiiso dhacno, sababtoo ah waxaan isticmaalnaa dhowr waxyaabood oo kala duwan oo aan ku carfinno labaniyadda. Waxaan ku darnaa faniilla, ama waxaan ka sameeynaa caano lagu kariyay qolofta oranjada. Markaan ka dhigeeyno cabitaan kulul, waxaan ku darnaa sanjabiil, dhegayare, iyo qorfe. Waqtiyada qaarkood waxaan ku darnaa hayl shiidan, korna waxaan uga qurxinnaa loos. Waxaa jira maalmo aan jecelnahay inaan caraf dhanba ka dhaafno. Labaniyad la qaboojiyay haddaad furuut la jarjaray korka uga dartid, wuxuu kuu noqonaayaa furuut aad u macaan.

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Labaniyad Shukulaato leh

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Kala saar shaharka iyo xabka ukunta
  2. Waraango iyo kakaaw
  3. Sida loo sameeyo labaniyadda
  4. Kala saar shaharka iyo xabka ukunta

  5. Sokorta ku dar

  6. Waraangada ku dar

  7. Si fiican isku qas

  8. Caanaha digsi yar ku shub. Dab dhexdhexaad ah saar

  9. Ku shub nus koob caanaha aad kululeeysay. Si fiican isku qas

  10. Ku shub ukunta aad qastay

  11. Walaaqidda ha ka joojinin ilaa ay ka culusaato

  12. Weelka aad ku qaddimaysid ku shub intay kulushahay

  13. Labaniyad
  14. Labaniyad
  15. Sida loo sameeyo labaniyadda shukulaatada leh
  16. Kala saar shaharka iyo xabka ukunta

  17. Sokorta ku dar

  18. Waraangada ku dar

  19. Kakaawga ku dar

  20. Si fiican isku qas

  21. Caanaha digsi yar ku shub. Dab dhexdhexaad ah saar. Ku shub nus koob caanaha aad kululeeysay. Si fiican isku qas

  22. Ku shub ukunta aad qastay adigoo miire isticmaalaysa

  23. Walaaqidda ha ka joojinin ilaa ay ka culusaato

  24. Weelka aad ku qaddimaysid ku shub intay kulushahay

Sawirro

Faallooyin

68 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. umm ibrahim

    salaam,

    How many servings for this recipe? Shukran jazeelan!

  2. rasha.

    ASC what if i cant getcorn starch,ground cardamom,pistachios,fresh whipped cream and rated choc what do i do.

    1. A&LXawaash

      You can substitute flour for the corn starch. The rest of the staff are not essential.

  3. Ridwan

    Asc walalahayga nacawinaya ad ayad umahadsantihin ilahay ha idinka ajarsiyo hawshad nohaysan su al ayan qaba walal meqa sac ayay dabka sarnane labeniyada inta noc e ay ka samaysantahayna ma dhulka layskuladara mase ayado dabka sarana kolba shay lagu daraaa aad ayad u mahadsantihin

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Lama rabo in wax badan la kariyo. Markay culusaato isla markii ka deji. Waxaan kaa baryaynaa fiidiyaha inaad daawatid. Mahadsanid walaal.

  4. Qaali Omar

    Asc

    Salaan Kadib aad ayaan idinkaga mahadcelinaayaa sidaa isku hoosheen ilaa maalintaas bartay website ilaa maanta wax weyn ayaa iska keey badalay runtii waxaan aad u xiiseeyaa cunta karinta idinkaneh waxaa ka qaadateen qeeb weyn ……

    Jazaa kumulaahu kheeran labadiinaba ilaahey ajar aan dhamaaneeynin haidinku abaal Mariyo..

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Aamiin walaal. Adigana qayr badan oo aan dhaammaan ayaan Ilaahay kaaga baryaynaa. Waa ku mahadsan tahay faallada wacan.

  5. Fowzia

    Assalaamu Caleykum,rabadaan kariim Cabdilaahi iyo Leyla,maashaalaah anigoo haysta custard diyaar ah ayaan manta tijaabiyay kaad samayseen wuuna macaanaa waxaan ku daray qare la yar yareeyay,jazaakalahum khayr.

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Ramadaan Kariim walaal. Waxaan Eebbe kaaga baryaynaa caafimaad qab iyo cibaado suuban. Waan ku faraxnay inaad samaysatay custard-ka oodna jeclaatay. Mahadsanid.

Bur Shubaal

Somali Pancakes

CagaaryahanQuraac
ENSOFRع

Bur Shuu

Choux Pastry

CagaaryahanMacmacaan
ENSOFRع