Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Kareem Burulee
Macmacaan

Kareem Burulee

English
Creme Brulee
Français
Crème Brûlée
العربية
كريم بروليه

Waxaa qoray · ·

Cagaaryahan 7 mukawin 7 tallaabo Diyaarin 15 daqiiqoKarin 1 saacWadar 4 saac 45 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Fiidiyo aan muusik lahayn

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Kareem Burulee

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Diyaarinta kareem buruleega
  2. Digsi dab dhexdhexaad ah saaran, ku shub kareemada, digirta faniillada iyo bishirka oranjada. Dabka ka qaad wax yar ka hor intaysan karin.

  3. Sokorta iyo ukunta shaharkeeda isku garaac ilaa ay ka caddaadaan.

  4. Ku dar kareemada aad kululaysay, si fiicanna u walaaq.

  5. Faniilada iyo bishirka ka miir.

  6. Ku shub weelal yaryar oo wareeggooda yahay 3 inji (7.5 sentimitir).

  7. Biyo kulul ku shub saxan foorno. Ku rid weelasha waxaana hubisaa in ay biyaha soo gaaraan ilaa 1/2 dherererka weelasha. Xaanshi aluminyam ku dabool.

  8. Ku dub foorno lasii kululeeyey 400°F/204°C muddo 55 daqiiqo. Weelahasha saxanka foornada ka bixi. Markuu kulaylka ka dhaco, qaboojiyaha geli ugu yaraan saddex saacadood.

Sawirro

Faallooyin

4 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. inan soomaaliyed

    ilaa ahdda wax dalkeena aan kusameesano kama hayno meeshan haddi laga helana waxad arkaysaa shey yaasha ugu wanaagsan inaan dalkeena laga helin plz isku daya inaad nasiisan cuntooyinka sida quraacda ama cashada ee fudud kuwaaso ah kuwa aad taqaanan hadaneh anaguna ay noo sahla naanayso inaan samayno wahadaad isku kaaya dhibtaan khudradda dalkayaga laga helo iyo ku wa loosoo iib geeyo intaba mahadsandiiin walaalahayga qaaliga ah allah ha idinka ajarsiiyo dhamaantiina

    1. A&LXawaash

      Waa ku mahadsan tahay faallada wacan. Noocyo badan oo khudradda waddankeenna laga helo ayaan soo gelinay kuwo kalena waan soo gelin doonnaa. Nala socodsii waxa aadan heli karin, wixii lagu beddeli lahaa ayaan kuu sheegeynaa.

  2. Deeqa

    Asc mansha allah ilaah qeer ha idinsiiyo suaal. Geedka aad xoqeysaan ma fahmin maxaa waaye inteese laga heli karaa

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullahi Wabarakatuh.

      Laba shey ayaan xoqnay. Mid waa oranjo ama liin macaan, kan kalena waa faniilla dabiici ah. Waxaa ku baddeli kartaa faniillada caadiga.

Bur Tufaax

Apple Fritters

CagaaryahanMacmacaan
ENSOFRع

Bur Shubaal

Somali Pancakes

CagaaryahanQuraac
ENSOFRع