
Garbo Digaag La-Shiilay
- English
- Chicken Lollipop
- Français
- Ailes de Poulet en Sucette
- العربية
- عيدان اجنحة الدجاج
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Shiilidda
Xashwada (waxa lagu buuxinaayo digaaga)
Sooska lagu daaranaayo
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Garabka digaagga. Waxaa jartaa dhinaca xiga baalka.
Adigoo isticmaaleysid middi aad loo afeeyay, xubinta korkeeda jar.
Seedaha jar, laftana hilibka ka-hool.
Hilibka hoos u-riix.
Markaad hilibka hoos u-riixdid, sidaan ayuu u-ekaanaayaa.
Hilibka dhinaca kale u-rog (fiidiyaha fiirso).
Garabka digaagga oo la-diyaariyay Diyaarinta garabka baalka xiga Garabka baalka xiga. Waxaa jartaa dhinaca xiga baalka.
Adigoo isticmaaleysid middi aad loo afeeyay, xubinta korkeeda jar.
Seedaha jar, laftana hilibka ka-hool.
Hilibka faraha hoos ugu riix.
Lafta yar ka-saar.
Hilibka dhinaca kale u-rog (fiidiyaha fiirso).
Garabka baalka xiga oo la-diyaariyay Dhaqidda digaagga Digaagga qalka ku-dhaq.
Qalka ka-miir.
Biyo qaboow ku-dhaq, kaddibna xaanshida jikada ku-qalaji.
Waa diyaar in xashwada la-geliyo Diyaarinta xashwada Farmaajada xoq.
Farmaajada, bataatada (baradhada) iyo karootada baaquli ku-rid.
Ku-dar cusbo iyo filfil madoow. Si-fiican isku-qas.
Oliifada oo lagu daraayo xashwada Oliifada.
Oliifada miraha ka-saar, kaddibna jarjar.
Xashwada ku-dar, si-fiicanna isku-qas.
Digaagga oo xashwada la-gelinaayo Duleeylka faraha ku kala-fur.
Hal qaaddo yar oo xashwada ah duleeylka geli.
Si tartiib ah, afka isku-keen adigoo isticmaaleysid faraha fooddooda. Ha-walwalin, cajiinka iyo budada rootiga ayaa ka-celinaaya inay xashwada ka-daadato.
Diyaarinta garbaha digaagga la-shiilay Isku-dar burka, ukunta, cusbada, iyo biyaha aadka u-qaboow.
Si-fiican isku-qas.
Saxan fidsan ku-shub 1 koob budada rootiga.
Is ag-dhig cajiinka aad qastay iyo budada rootiga.
Digaagga mid-mid u-mari cajiinka.
Kaddibna ku-rogrog budada rootiga, adigoo hubinaaya inaad si-fiican u-wada marisay.
Waxaa ku-shiishaa saliid caddeey kuleylkeeda yahay 338°F/170°C muddo 5 daqiiqo. Haddaadan isticmaaleynin birta wax lagu shiilo ee korontada (“deep fryer”), waxaa ku-shiishaa dab dhexdhexaad ah. Haddeey saliidda aad u-kulushahay, digaagga dhaqso ayuu gaduudanaayaa intuusan si-fiican u-bislaanin. Haddaad rabtid, waxaa ku-dubi kartaa foorno la-sii kululeeyay 350°F/177°C muddo 20 ilaa 25 daqiiqo. Digaagga geddi markuu 10 daqiiqo foornada ku-jiro.
Digaagga saar xaanshida jikada si ay saliidda uga nuugto.
Diyaari sooska lagu daaranaayo. Isku-qas mayoneeyska, malabka, mastardka, iyo liin dhanaanta la-miiray. Digaagga cun intuusan aad u-qaboobin.





Faallooyin
30 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
machaa allah trés bonne recette,merci pour ce partage
Vous êtes les bienvenus.
Muchas gracias por la excelente receta y el paso a paso! Intentaré hacerlas
Saludos desde México!
Muchas gracias por visitar nuestro blog y gracias tambien por sus comentarios. Saludos!
Amiin aamiin walalaheyga qaliga ah. dinkana sida & si kasi fican ayan idin rajeynaya, wixii xun o dhan walba ahna allaha idinka qabto inshalaah.
Aamiin walaal. Mahadsanid.
Sc, walalheyga qaaliga ah. Thanks alot 4 jawabta & sida waqtigina nogu huresaan. Shalay ayan sameyay ayado saus la’an a cunay, gabadheyda yar 2sano & bar jirta & saxibkeyga/odaygeyga ad ayey uga helaan walahi mashalah. Saxibkey hadan isticmalana inta badan ha u modina qof an isla noolnahy cml afkeyga aya saxibkey ina dhaho u badan odaygeyga wa igu dhib/dhertahy ina dhaho. Intana wa iska kaftan:)
Again thanks alot walahena qaliga ah, hada kaligey wax idnkama fa’idesto e my family xita wixi an idinka bartay ayan usameya & inta kale e idinka barandono bi’idni’LLah.
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Waa ku mahadsan tahay faallada iyo hadalada wacan. Saaxiibtinimada noocaas waa tan ugu wanaagsan. Waan idiin hambalyaynaynaa waxaanna Ilaahey idinkaga baryaynaa inaad qayr ku waartaan.
Sc my dear. Ad bad u mahadsantihin walahi wax badan ayan idinka baranena mashallah. Dadki imada wan ugu fanikara hada kadib cml kkk.
Wxa idin wedinrabay, dressing ka ad u samesay in lagu cuno, qof qaba diabet-2 macunikara? hade maya tahay madamu malab kujiro maxa ugu badalikara malabka & mayuneska madama fett wax kujiro esan u ficnen qofka qaba sokorta-2.
Thanks alot walal. Wa jizakumu’Allahu qer wa xafidakumullah inshalaah.
Have a wonderful day with ur family.
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Waan ku faraxsan nahay inaad ka faa’iidaysanaysid. Waa ku mahadsan tahay qoraaladaada. Sooska waxaa ku bedeli kartaa caano fadhi, cusbo, liin dhanaan, saliidda oliifada, tuun (toon), mastard, kabsara caleen iyo waxyaabaha kale oo aad jeceshahay ayaa ka samayn kartaa.