Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Baalbaaloow
Buskud · Macmacaan

Baalbaaloow

English
Balbalow & Zibatera
Français
Balbalow & Zibatera
العربية
بسكويت مقلي

Waxaa qoray · ·

Fiigan (xoolo la’aan)Cagaaryahan 7 mukawin 13 tallaabo Diyaarin 50 daqiiqoKarin 40 daqiiqoWadar 2 saac 30 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Sokorta

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Diyaarinta baalbaalowga
  2. Isku-dar burka, sokorta, iyo cusbada. Saliidda kulul ku-dar, kaddibna qaaddo qori ah ku-qas

  3. Si-fiican gacanta ugu-qas. Cabbaar qas, ilaa burka iyo saliidda ay si-fiican isugu qasmaan

  4. Biyaha ku-dar, iskuna rifaaq

  5. Cajiinka si-fiican u-rifaaq (u-xash) muddo 10 daqiiqo ah. Haddaad ku-dhibtootid rifaaqidda, cajiinka bac ku-rid oo xoogaa yar dhig si uu u-jilco. Kaddib rifaaqidda sii wad

  6. Rifaaqidda ka-dib, dhig muddo 10 daqiiqo ah

  7. Afar gabal u-jar

  8. Cajiinka u-fidi si qafiif ah (daawo fiidiyaha)

  9. Labaatan gabal u-jar. Haddaad rabtid inaa sameysid balanbaalis, cajiinka waxaa u-jartaa isle’eg toosan (square). Haddaad rabtid inaad doon sameysid, cajiinka u-jar laydi (rectangle)

  10. Sawirka hoose ka-fiirso sida loo sameeyo doonta iyo balanbaalista. Muddo 1 saac ah dhig inay qalalaan intaadan shiilin

  11. Sida cajiinka looga dhigo doon iyo balanbaalis
  12. Baalbaaloow iyo sibateera
  13. Waa diyaar in la-shiilo
  14. Shiilidda balbaaloowga
  15. Waxaa ku-shiishaa saliid caddeey kuleylkeeda yahay 320°F/160°C ilaa ay ka-gaduutaan. Waxaa isticmaashaa dab dhexdhexaad-hoose ah. Haddaadan qalajinin (ugu yaraan 1 saac aadan dhigin) intaadan shiilin, ama haddeey saliidda aad u-kulushahay, way fuuraayaan. Waxaa ku-bilowdaa saliid kulaylkeeda yar yahay, kaddib kordhi si ay u-gaduutaan.

  16. Baalbaaloow
  17. Baalbaaloow
  18. Sida sokorta loo mariyo
  19. Isku-dar sokorta iyo biyaha

  20. Dab dhexdhexaad ah ku-kari muddo 4 ilaa 5 daqiiqo

  21. Ku-rid baalbaaloowga, si-fiicanna u-rog. Ha-sugin ilaa ay sokorta ka-qalasho. Dabka ka-demi sokorta oo xoogaa yar qoyan

Sawirro

Faallooyin

64 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Asha

    Asc!

    yaslam edikum, wax badan waad na cawisen wana ka helaa pagekina cunta karinta ah….

  2. Zeyna

    Assalamou aleykoum guys I just made the balbalow & zabatera and they turn out great !

    Thank you!!

    1. A&LXawaash

      Wa’alaikum Assalam Waraxmatullahi Wabarakatuh.

      Thank you very much for letting us know. We are happy you liked them.

  3. Yasmin

    I would like to congratulate you on this wonderful website and thank you at the same time. Will you do any recipes for Ramadan as there are certain sweets I would like to make.Its been 37 years since I have had cano barawe and I’m really looking forward to making it.

    All the best

    Yasmin

    1. A&LXawaash

      Thank you very much for your comment. Here is a link for Caano Baraawe /recipes/peera/. God willing we will soon start working on Ramadan recipes.

  4. Hareda

    ACWB Maansha Allah Alleh Subhana Waa Tacala Ajar iyo Hasand ha idinka siyo sida ad nogu xagar bahdeen inaad na tustaansida sida lo sameeyo cunooyinkan tirada badan oo Somaliyeed. Aniga wax badan aan ka bartey Xawaash Websidkiisa malin kastana wax baan ka bartaa oo mantaba Balbaloow iyo Mufo Barawe aan sameystey, waa labo cunno aan weligeyga rabey inaan barto.

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Walaal Hareda, waa ku mahadsan tahay faallada aadka u fiican iyo ducada aad inoo soo qortay. Waan ku faraxsan nahay inaad ka faa’iidaysanaysid Xawaash iyo inaad ka heshay cuntada aad jeceshahay. Mahadsanid walaal.

Bur Tufaax

Apple Fritters

CagaaryahanMacmacaan
ENSOFRع