
Cadriyad
- English
- Adriyad
- Français
- Adriyad
- العربية
- الشعيرية او العطرية
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Cadriyadda waa cunno Soomaali waxaana laga sameeyaa baastada shaciiriyadda. Waxaa aad looga cunaa waqooyiga Soomaaliya. Cadriyadda kaligeed ayaa la cuni karaa ama waxaa lagu cuni karaa bariis. Magaalada Baraawe, cadriyadda waxaa loo yaqaanaa seewiya waxaana badi la sameystaa bisha Ramadaanka. Waxaa kaloo loo yaqaanaa ntaambi, waana magaca reer Baraawaha ay u yaqaanaan baastada shaciiriyadda.
Erayga cadriyad wuxuu ka yimid kalmadda Carabiga عطرية. Yamanta ayaa eraygaas u yaqaanaan baastada shaciiriyadda. Waddamada kale ee Carabta waxaa looga yaqaanaa شعيرية (shaciiriyah).
Cadriyadda waxaa maceeya carafta lagu daro: haylka, qorfaha, dhegayaraha, iwm. Waxaa kaloo lagu fiicneeyn jiray subag badan oo lagu dari jiray. Subaggaas iyo sokorta waxay ka dhigi jireen cadriyadda cunto aan caafimaadka u fiicnayn. Soo’daan waxaan ku dadaalnay inaan ka dhigno mid ka caafimaad badan sida hore, isla markaana dhadhan fiican leh.
Baastada toostarka ama foornada lagu gaduudiyo, wey ka caafimaad badan tahay midda subagga ama buurada lagu gaduudiyo. Haddaad jeceshahay dhadhanka subagga, waxaa kor uga dari kartaa qaaddo yar oo subag ah intaadan qaddimin cadriyadda. Caafimaad ku cuna.
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Cadriyad midabbo leh
Macmacaan
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Shaciiriyo gaagaaban Sida loo sameeyo cadriyadda Koob shaciiriyadda ku gaduudi 4 qaaddo weyn oo buuro ah, adigoo isticmaalaysid dab dhexdhexaad ah. Gaduudi ilaa uu midabkeeda maarriin ka noqdo, walaaqiddana ha ka joojinin.
Ku dar koobka kale ee shaciiriyadda, walaaqna ilaa ay xoogaa gaduudato.
Ku shub 3½ koob oo biyo ah.
Ku dar ½ koob sokor.
Dabool oo 18 daqiiqo kari ilaa ay biyaha ka gursadaan. Isticmaal dab dhexdhexaad ah.
Ku dar sabiibka iyo loos (haddaad jeceshahay).
Cadriyad Cadriyad iyo bariis Shaciiriyo midabbo leh Shaciiriyo midabbo leh Sida loo sameeyo cadriyadda midabbada leh Shaciiriyadda 2 litir biyo ku karkari.
4 ilaa 5 daqiiqo kari ilaa ay ka jilicdo, laakiin yaysan aad kaaga jilcin.
Biyaha ka miir, kaddibna biyo raaci. Biya raaciska wuxuu ka celinaayaa inaysan aad isugu dhegdhegin.
Digsi dab dhexdhexaad ah saaran isku dar 2 qaaddo weyn saliid caddeey iyo ½ koob sokor ah.
Cadriyadda ku rid, si fiicanna u walaaq.
Ku dar haylka, sabiibka iyo loos (haddaad jeceshahay).
Cadriyad midabbo leh Cadriyad iyo bariis Diyaarinta cadriyadda macaan Baastada laba gabal u jebi. Waxaa gelisaa toostar, kuna aaddi “broil” (kor ka gaduudiska). Kulayka waxaa ku aaddisaa 400°F/204°C. Gaduudi ilaa uu midabkeeda dahabi (maarriin) ka noqdo. Waxaa la rabaa inay baastada isdul saaran tahay si aad u heshid midab aan isku wada mid ahayn.
2 litir biyo ku karkari.
4 ilaa 5 daqiiqo kari ilaa ay ka jilicdo, laakiin yaysan aad kaaga jilcin.
Biyaha ka miir. Waxaa reebataa ¼ koob biyaha baastada.
Digsi dab dhexdhexaad ah saaran, ku rid cadriyadda. Ku dar 2 qaaddo weyn saliidda oliifada, ¾ koob sokor ah, iyo biyaha baastada aad reebatay. Si fiican u walaaq.
Ku dar haylka shiidan. Haddaad doontid waxaa ku dar kartaa sabiib iyo loos.





Faallooyin
44 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
S.A.W,
I really don’t know how to thank you guyz, u r such life savers any Somali dish I think of I first visit xawaash. All my Somali n non Somali friends n neighbours know xawaash. So proud of u bahda xawaash.
May allah ah reward u with ur good deeds.
Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.
Thank you very much for your generous comment. We are glad that you found the website helpful. We appreciate you taking the time to leave a comment.
asc wrb wb walaal aad iyo ayad u mahadsantahay sida qali ag ah aad watqigiina nohurteen ilaahaey haidinka abaal mariyo
wanaaga aad no fidisen waxaan aad iyo aad ujeclahay wxa walibo aad so galisan xawaash.com inaan sameyo aan kafaaideysto lkn wxaan aad ujeclahay inaan aad usi fahmo waxa idhibtay sida lo sameya xalwada inaad iga cawisaan hadey surta gal tahay idinko mahadsan
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Waan ku faraxnay faallada qiimaha leh aad inoo soo qortay.
Waxaan kugula talinaynaa Xalwadda Fudud /recipes/easy-halwa/ inaad ka biloowdid. Kariskeeda wey fududdahay. Waxyaabaha ugu muhiimsan waa cabirada, dabka, iyo waqtiga. Haddaad si fiican u raacdid, insha’Allaah wey kuu hagaagi doontaa.
asc.wr.wbr walal waa mahadsan tahiin dadaalka aad samayseen waxaan idinka codsanayaa baasta nasha inaad kusoo dartaan cuntadiina walal mahadsanid
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Adigaa mahadda mudan. Baasta nasha ma fahmin waxaad ka waddo.
Salam Alaykum A&L,thank you somuch for the wonderful job. i cant stop watching your vedios i learnt alot from you guys.such a great job my alllah reward you.let me tell you something i am so in love with your web.big fan from london.
Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.
We are happy you like the website. Thank you very much for the nice comment and for being a fan.
Asc
Aad iyo aad baan idinku mahad celinayaa asxaabta xawaash.com sida aad noogu caawiseeyn in aanu cuntada aad u casri ah aan ku karsano ayaddo aad noo soo fududeeyseen thanks hadana mahadsanidin
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Adigaa mahadda mudan walaal. Waa ku mahadsan tahay faallada fiican iyo xiriiriskaada. Qayr ayaan kuu rajaynaynaa.