Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Hariiso
Quraac · Cuntada rasmiga

Hariiso

English
Yemeni Hareesa
Français
Hareesa Yemeni
العربية
الهريسة اليمنية

Waxaa qoray · ·

8 mukawin 11 tallaabo Diyaarin 10 daqiiqoKarin 4 saac 20 daqiiqoWadar 4 saac 45 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Hariiso

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Garab ari
  2. Garab ari
  3. Sarreen cad
  4. Diyaarinta hariisada
  5. Hilibka digsi weyn ku rid.

  6. Biyaha ku shub oo dabsare ku kari.

  7. Marka ay biyaha karaan, xumbada ka qaad.

  8. Sarreenka dhaq kaddibna biyo la dhig muddo laba saacadood. Biyaha oo karaaya ku dar saarreenka, cusbada iyo qorfaha. Dab yar ku kari muddo laba saacadood.

  9. Haddaad iloowdo inaad dabka ka gaabisid oo biyaha gursadaan, ku dar 1 koob biyo kulul.

  10. Qorfaha iyo lafaha ka saar.

  11. Si fiican u xurbi. Hubi harrisada inay lafa ku harin.

  12. Filfil madow oo shiidan ku dar.

  13. Khallaad ku shiid.

  14. Buurada dab dhexdhexaad ah ku dhalaali ilaa ay ka gaduudato. Marka ay xumbada degto, dabka ka demi. Iska ilaali inay xanshada kaa gubato.

  15. Hariisada ku qaddin sokor iyo buurada aad gaduudisay ama subag.

Sawirro

Faallooyin

41 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Badr

    ماشاءالله دقة الوصفه رائعه .. الله يعطيكم العافيه.. هل ممكن استخدم قدر الضغط؟ ام لا تنصح به؟ اذا ممكن استخدمه! كيف الطريقه لو تكرمتم

  2. Malik

    I am from Morocco, it’s the first time I see a Somali recipes, it is just great and various, felt so hungry when watching, it reflects your traditions, the greatest lamb meat is a Somali one, I believe that there is treasures of recipes in all countries in Africa Asia & South America (away from famous ones).

    PLease enrich your site with more somali ideas.

    The site -technically- is also great.

    Thanks a lot.

  3. lubna

    assalamualaikum…thank u for such a delicious recepie….inshallah i’ll try soon,but just a confusion…i want to make this for serving 2…how should i convert the measurements??…thank you in advance

    1. A&LXawaash

      God willing, we will provide a tool for scaling recipes. The recipe on the website is already reduced. However, you can still divide it by 4.

  4. Huda

    Walaalo cuntadan Cadan waxa la oran jiray casiid waxana la cuni jiray ramadaanka iyadoo suxuur laga dhigan jiray. Harrisadda waxa layiraahdo Cadan waxay ahaan jirtay nooc xalwadda ka mid ah.

    Mahad badan iga gudooma.

    1. A&LXawaash

      Cuntadaan Yamanta Baraawe ayaan ka barannay, hariisa ayey u yiqiineen, sidoo kale Carabta Kismaayo. Sucuudiga markaan ku noolayn maqaayadaha Yamanta ayaan hariisada kasoo gadan jirnay. Yamanta iyo Khaliijka oo dhan waxaa loo yaqaanaa hariisa. Casiiddada waxaa laga kariyaa bur iyo biyo, waxaana lagu cunaa maraq iyo xulbad basbaas leh ama subag iyo malab. Mahadsanid.

  5. asha

    Walaal aad iyo aad baad u mahadsantahay, waxaan daawaday hariisada.

    walaal ma taqaanaa hariisadii xamar lagu samaynjiray oo macaanay.

    Mahadsanid.

    Asha.

    1. A&LXawaash

      Adigaa mahadda mudan walaal. Hariisada Soomaaliya lagu samayn jiray waa noocaan. Tijaabi ee nala socodsii.

Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Bariis

Somali Rice

Cuntada rasmiga
ENSOFRع