Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Xalwo
Macmacaan

Xalwo

English
Somali Halwa
Français
Halwa Somali
العربية
weli lama turjumin

Waxaa qoray · ·

Cagaaryahan 10 mukawin 6 tallaabo Diyaarin 10 daqiiqoKarin 1 saacWadar 1 saac 40 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Diyaarinta saliidda

  2. Haylka shiid, kaddibna jowska burburi oo shiid.

  3. Buurada dhalaali oo wax yar gaduudi. Markay xumbada degto, dabka ka-qaad, haylkana ku-dar. Jowska ku-dar. Saliidda cad ku-shub.

  4. Karinta xalwadda

  5. Isku-dar sokorta cad iyo tan maroonka ah. Biyaha ku-shub. Markay biyaha karkaraan, waraangada aad qastay ku-dar, si-fiicanna u-walaaq. Fanfaniinka iska ilaali. Dabool digsiga si aadan u-gubanin.

  6. Shan daqiiqo kaddib, billow inaad saliidda kiskis ugu dartid. Toban daqiiqo gudaheed, saliidda ku-dhammee.

  7. Markay xalwadda saliid soo tufto, ka-saar saliidda.

  8. Xalwadda xurbi oo qaaddada qoriga ku-jarjar. Markay isku-timaaddo, xalwadda waa diyaar.

Sawirro

Faallooyin

220 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Abdirisaq abdirahman

    Asc A&L wn idin slamay sln ka

    dib su’al bn idin waydinaya

    Plz fadlan waxan raba inaan

    xalwo isku dayo samaynteda

    plz ii sheeg waxyalaha ku jira

    waxyalaha layga bahan yahay

    sida kartonka ay canada ku

    qorantahay waxyalaha labada

    gees ka xiga waxyalahaso

    dhan ani laf ahanteda waxn

    ka garanaya haylka only

    fadlan waxyaalaha kale ee an

    garanayn ee loo bahanyahay

    iyo meelaha laga helo fadlan ii

    sheeg

  2. Abdirisaq abdirahman

    Asc A&L wn idin slamay sln ka dib su’al bn idin waydinaya

    Plz fadlan waxan raba inaan xalwo isku dayo samaynteda plz ii sheeg waxyalaha ku jira waxyalaha layga bahan yahay sida kartonka ay canada ku qorantahay waxyalaha labada gees ka xiga waxyalahaso dhan ani laf ahanteda waxn ka garanaya haylka only fadlan waxyaalaha kale ee an garanayn ee loo bahanyahay iyo meelaha laga helo fadlan ii sheeg

  3. Ayman Bulle Hussein

    Thank U so much for the recipe, realy U taught me how to make Xalwo without tiresome. Now wil try to make and make new experiment. Walaala Qaali ah aya tihin. Allah ha idinka Abaal Mariyo Abaalka ad u gasheen, dadka Soomaaliyeed. Jazakumu Allahu Kheyran.

  4. umi ahmed

    asc

    walaayal dhamantin wan idin salamay

    intaad noofa,ideysen in kabadan allaha indin fa,ideyo

    waxaan marbadan sameyay xalwo makastana qalad cusub ayaa isobax.

    waxaan kariyey suger2kg+8cup=237ml+maizena400kg+oil2cup

    waan kariya 2saac.waxay naqota midan jijimeyn marna bur qalan okale ayey noqota

    aniga waxaan jeclahay xalwada kalajidanta sida xanjada aniga ilmaheygu aad ayan xalwada u cuna waan jecelnahay allaha idin fa ideyo in badan.

    ana ifaideya wax yalah carafta nanaca okale ee maxan isticmal

    Illah dhamantin ha idin xiftiyo

    SWEDEN AAMINO

  5. علي

    السلام عليكم. hadanan isticmalin clor xalwada cadi manoqonesa? وشكرا

    1. A&LXawaash

      وعليكم السلام ورحمة الله وبركاته

      Waa ka dayn kartaa haddaad jeceshahay ama shaah culus ayaa midab ugu yeeli kartaa.

Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Baqlaawe

Baklava

Macmacaan
ENSOFRع
Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Xalwo Fudud

Easy Halwa

CagaaryahanMacmacaan
ENSOFRع
Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

2 Doolsho Soomaali

2 Sponge Cakes

CagaaryahanDoolsho
ENSOFRع