Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Digaag La Foorneeyay
Cuntada rasmiga · Soos & xawaash

Digaag La Foorneeyay

English
Roasted Chicken
Français
Poulet Rôti
العربية
دجاج محمر بالفرن

Waxaa qoray · ·

Caafimaadka u roon 15 mukawin 12 tallaabo Diyaarin 20 daqiiqoKarin 1 saac 10 daqiiqoWadar 1 saac 45 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Waxaan ku jiray sannadka labaad ee dugsiga sare marka dowladda Soomaaliya ka jirtay waagaas ay ku dhawaaqday in iskoolaadka la xiri doono muddo hal sano ah. Dhammaan ardayda ku jirtay dusgsiyada sare waxaa loo diray inay ka qayb qaataan Ololaha Horumarinta Reer Miyiga. Waxaa la ii diray tuulo aad u yar oo loo yaqiinnay Go’doon (Galguduud). Dawladda magacaas wuu la foolxumaaday waxyna go’aansatay in magaca tuulada loo baddalo Gadoon (magacaas oo dhawaaq ahaan u dhow Go’doon). Dowladda waxay is tiri ardaydaan aadka u dhallinta yar yaysan ka nixin magaca tuulada. Laakiin, markaan maqalnay magaca hore iyo walwalka uu dowladda xitaa ku dhaliyay, walwal hor leh iyo walbahaar ayaa nagu dhashay.

Waxaa laga yaabaa inaad is leedihiin sheekadaas maxay ku shaqo leedahay digaag la foorneeyay. Gadoon waxay ku taallaa dhex bartanka Soomaaliya waana dhulka geela iyo ariga. Digaagga aad ayaa loo dhaliili jiray. Dhoor digaag ah oo cidna lahayn ayaa tuulada meeraysan jirtay, qofnana ma danayn jirin waxaas cayayaanka iyo dixriga cuna. Liididda kuma koobnayn digaagga keliya; qof kasta oo cunana waa lala yaabi jiray.

Markaan annaga, dhallinta magaalada, tuulada nimid, digaagga durbaba wuxuu yeeshay qiimo uusan lahaan jirin. Waxaa nasiib darro inoo noqotay in ninka keliya oo tuulada dukaan ku lahaa uu yiri anigaa digaagga wada leh. Digaaggii wuxuu noqday wax aan la awoodi karin. Lacag ayaan isku darsan jirnay si aan ukun u wadaagno. Dhoorka bilood oo aan meesha joognay, digaag marna ma cunin. Waxaase lacag la’aan ahayd inaan ku riyoonno digaag la foorneeyay.

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Soos Caano Fadhi

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Digaagga qabowowga ha ka dhaco
  2. Diyaarinta digaagga
  3. Mukawinaadka carafta isku wada dar. Waxaa isku dartaa buurada, saliidda oliifada, cusbada, qolofta liinta la xoqay, filfisha madoow, xawaashka, tuunta (toonta) iyo casiirka liinta. Xawaashka waxaa ku beddeli kartaa berbere, keeri, ama kaamuun la shiiday.

  4. Maqaarka in yar faraha ku fuji.

  5. Iska ilaali inaad maqaarka jeexdid.

  6. Carafta qaaddo kula shub maqaarka hoostiisa.

  7. Digaagga geddi, kaddibna isla sidii maqaarka hoostiisa carafta ku shub.

  8. Digaagga si fiican u wada mari carafta.

  9. Isku dar 1/4 qy xawaash iyo 1/4 qy cusbo, kaddibna kor uga rusheey digaagga.

  10. Digaagga qudaar hoos dhig si aad birta salkeeda kor uga qaaddid. Waxaa ka sii fiican in la isticmaalo shabaq la dul saaray birta foornada. Digaagga waa inuu dhex fariisanin maraqiisa.

  11. Digaagga 30 daqiiqo ku dub foorno la sii kululeeyay oo kulaykeeda yahay 450°F/232°C. Muddadaas kaddib, bataato (baradho) ku dar oo 40 daqiiqo oo kale ku dub 400°F/204°C. Dhig muddo 15 daqiiqo intaadan jarjarin, haddii kale dheecaan badan ayaa ka daadan doona digaagga.

  12. Digaagga oo carafta la mariyay
  13. Digaag La Foorneeyay
  14. Digaag La Foorneeyay
  15. Digaag La Foorneeyay
  16. Diyaarinta sooska caano fadhiga
  17. Caana fadhiga biyaha ka miir. Haddaad sii miirtid wuu sii culusaanayaa. Qaboojiyaha geli haddaad rabtid inaad waxbadan biyaha ka miirtid.

  18. Isku dar caana fadhiga, saliidda oliifada, casiirka liinta, iyo cusbada. Si fiican isku qas.

  19. Ku qurxi basal cagaaran la jarjaray iyo dhoor dhibcood saliidda oliifada.

Sawirro

Faallooyin

27 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Bisharo

    Asalamu calaykuim sis do I roast the chicken for 70 mints total? 30 at first without the veggies and 40 after I add the veggies?

    1. A&LXawaash

      Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabaraktuh.

      Yes, roast it for a total of 70 minutes.

  2. sumaya

    walaal aad iyo aad ayaad uGu mahadsantahay jawaabta aad I siisay this was very helpful. actually aniga xitaa roast pan kayga Canadian tire uunbaan ka soo iibsaday but maynan haynin midka idinka aad isticmaalaysaan maybe they stopped selling it anyway I will do as you said in sha Allah thank you so much once again

  3. sumaya

    Asalam calaykum walaalyaal this is a an amazing recipe and I was looking for it and found it in your website thank you. Waxaan rabaa in aan idiin waydiiyo waxaan shalay soo iibsaday roasting pan laakiin inside rack muunan lahayn kiinana waan u jeedaa in uu laayahay and i see that kitchenaid brand in aad isticmaalaysaan anigana midka aan soo iib saday waa the same brand marka mudkiina inside rack miyuu layimid mise separate ayaad u iibsateen and which store did you buy it from if you can tell me I really need your help JAZAAKA ALLAH QAYR

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Waa ku mahadsan tahay faallada wacan walaal. Birta shabaqa wey la socotay waxaanna ka iibsanay Canadian Tire. Haddaysan la imaan qasab ma’ahan; karooto ama qadaar kale ayaad dulsaari kartaa.

  4. Nora (

    It looks delicious!!! Please tell me the ingredients of xawaash

    Thank you!

    Saludos!

  5. iman

    waxaan idkan kaga mahad celinayaa wanag aad noo heysan walaalheyga qaaligaa aniga waxan ahan jiray dhoocilah ciyaarta jee wan ordi jiray makii hooyo mcn ey wax bareyso gabdhah iga waaweyn xitaa dariska ayey bari jirtay cuna karita hooyadey wax ey aheed cook school uga baxay cuna karinta manaan anig oon wax dhaa xaa aqoon xawaash ayaa isii gacan qabtay wad mahad san tihiin

    1. A&LXawaash

      Adigaa mahadda mudan walaal. Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay faallada wacan aad inoo soo qortay. Waan ku faraxnay inaad ka faa’iidaysanaysid goobta Xawaash. Qayr ayaan kuu rajaynaynaa.

Biryaani

Fail-proof Biryani

Cuntada rasmiga
ENSOFRع

Digaag Qumbe

Yogurt Coconut Chicken

Cuntada rasmiga
ENSOFRع