Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Laddu
Macmacaan

Laddu

English
Laddu
Français
Laddu
العربية
لَدّو

Waxaa qoray · ·

Cagaaryahan 6 mukawin 9 tallaabo Diyaarin 20 daqiiqoKarin 20 daqiiqoWadar 45 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Laddu

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Diyaarinta ladduga
  2. Lowska dub ilaa uu ka gaduuto, kaddibna shiid.

  3. Dab dhexdhexaad ah adigoo isticmaalaysa, sisinta salool ilaa ay ka carafto. Dhig ha qaboowdo, kaddibna shiid.

  4. Sokorta iyo biyaha isku dar. Dab dhexdhexaad ah ku kari muddo 5 daqiiqo.

  5. Ku dar lowska iyo sisinta la shiiday. Si fiican u walaaq.

  6. Ku dar heylka shiidan.

  7. Muddo laba daqiiqadood kari.

  8. Ku geddi meel lagu fidiyo oo saliid la mariyay. Qoriga wax lagu jarjaro alamuunyam ku duub.

  9. U fidi dhumuc le’eg 1/2″ (1.25 cm). Sida aad jeceshahay u jarjar. Hadday adkaato, ha welwelin. Digsiga ku celi, laba qaaddo biyo ku dar. Kari adigoo walaaqeysa ilaa uu ka noqdo wax la fidin karo.

  10. Waad kuus kuusi kartaa haddaad jeceshahay.

Sawirro

Faallooyin

26 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Um c/raxmad

    Asc. Ad ayaad ugu mahad santihin habka quruxda badan ad noga faideysen waqtigina iyo waliba aqoontina. Waxan waliba idiinkugu habalyenaya nadafada ka muqata mesha iyo sida fudud ad wax kista noogusoo sahasheen. Alle qeer ha idiinkugu badalo insha allah asc

    1. A&LXawaash

      Aamiin. Waan ku faraxsan nahay inaad jeclaatay, waanna ku mahadsan tahay faallada fiican. Adigana qayr badan Ilaahay ha ku siiyo.

  2. Deeq

    Asc bahda xawaash.com Ramadan kariim wa kulii caam antum bi qeyr. Ad ayaad u mahadsantihin sida quruxda badan ad noga faideysen oqontina iyo waqtiginaba. Run ahanti rajo iyo niyaad ayaad na galisen alle ha idiin naxaristo aduun iyo aqiraba. Waxan rabay hadi ad awodan inaa iso dirtan cunto la dhoho matabik oo bur laga sameyo xaqiiqdi ma sameyn aqano mana arkin sida lo sameyo shukran allaya barik fikum insha allah intum waa uwladim asc

    1. A&LXawaash

      Walaasheenna qaaliga ah, waa ku mahadsan tahay faallada wacan. Hadduu Eebbe idmo waan soo gelin doonnaa mutabbaq. Ramadaan Kariim.

  3. Mariam B Garso

    C/llahi iyo Leyla aad ayaan idinkaga mahdinayaa xusuusta dheer ee aad na geliseen waxaan is moodey inaan ” MIINI” Baraawa joogo, ilaahey walaala jira ha idinka dhigo.

    1. A&LXawaash

      Adigaa mahadda mudan walaasheenna qaaliga ah. Waan ku faraxnay inaad jeclaatay.

  4. duniya axmed

    waaw caadi mahan wadku mahadsanthin xawash lado aad aan ujeclahay waana isku daya inaan sameyo

    1. A&LXawaash

      Waxaan rajaynaynaa inaad jeclaatid markaat samaysatid. Mahadsanid walaal.

  5. sunita pattanayak

    Thank dear for til ki ladoo

    1. A&LXawaash

      Thank you for the comment.

Xalwo Muus

Banana Halwa

CagaaryahanMacmacaan
ENSOFRع
Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Baqlaawe

Baklava

Macmacaan
ENSOFRع

Feetamuus

Masoub

CagaaryahanMacmacaan
ENSOFRع
Liiska Xawaash ayuu ku jiraa

Xalwo Fudud

Easy Halwa

CagaaryahanMacmacaan
ENSOFRع