
Kalluun La Shiilay
- English
- Fried Fish
- Français
- Poisson Frit
- العربية
- السمك المقلي
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Waxaa la yaab leh sida dadka qaarkood ay u aaminsan yihiin fikrado aan sal lahayn. Ma oga inay dadka isku wada mid ahayn. Dadka sidaas ah, waxay fikradahaas kala kulmaan jab weyn. Waxaa tusaale u ah naag hooyadayda ku soo booqatay gurigeenna ku yaal magaalada Xamar (Muqdisho). Markaas waxaan jiray saddex iyo toban sano, waqtigaasna waxaan fadhiyay deedka anigoo buug ku aqrisanaaya geed hoostiisa. Buugga wuxuu ahaa The Adventures of Tom Sawyer oo uu qoray Mark Twain. Bog walba wuxuu iga qaadanaaya waqti aad u fara badan, sababtoo ah maskaxdayda waxay kaloo ku mashquulsanayd daarro aan samada ka dhisaayay.
Islaantii nasoo booqatay, markay sii baxaysay, ayay hooyadayda ku tiri, “Kalluun ayaa rabaa inaan soo iibsado. Wiilkaaga ma ii raaci karaa suuqa kalluunka?” Aniga weligay suuqa kalluunka cag ma saarin, kalluunka sida loo xusho fikrad haba yaraatee kama qabin. Maaddaama aan nahay reer Baraawe, dadka qaarkood waxay aaminsan yihiin inaan daadinay cilmiga kalluunka. Waxaa dhici karta in la helo dad aaminsan in caruurta reer Baraawaha ay kusoo koreen caanaha kalluunka. Aniga ma sugin inay hooyaday jawaabto. Buugga ayaan iska dhigay, horeyna ayaan islaantii u raacay.
Arrintaas waxaa dhici karta inay dadka qaarkood la yaabaan, laakiin annaga haddaan Soomaali nahay, taas caadi ayay nala tahay. Ma jeclin in nala ogaado inaynaan wax aqoon oo naloo arko inaan doqon nahay. Ilama aha inay jiraan maahmaahyo ama murti kale oo dadka ku dhiiragelinaaya inaysan dhihin waxaas ma aqaani. Qof inoo sheegayna ma jiro, laakiin waa wax aan iska baranay sida neefsashada oo qofna na barin.
Reer galbeedka intaysan farta nagu fiiqin ama nagu qoslin, waxaan soo xusuusinaayaa hadal iyaga murti u leh oo uu qoray Mark Twain. Wuxuu yiri, “Laba wax ayaa u baahan tahay haddaad rabtid inaad nolosha ku guuleeysatid: aqoondarro iyo kalsooni.” Armuu gumeeysiga waxaas inoo keenay?
Maalintaas kaddib, islaantii mar dambe ma aynaan arag. Haddii ay weli noolayd oo uusan dhuunta u istaagin lafaha kalluunka aan u xulay, waxay ila tahay inay aad iigu careeysnayd. Ilaa maantadaan waxaan aaminsanahay inay ayada arrintaas 100% mas’uul ka ahayd. Ayada ayaa laga rabay inay ogaato inaan aniga waxba aqoon. Ayada ayaa doqon wadatay.
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Kalluun La Shiilay
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Mallaay gaduud (caloosha laga bixiyay, lana nadiifiyay) Mallaay gaduud Sida loo sameeyay kalluunka la shiilay Kalluunka labada dhinac ka sar. Dhaq, kaddibna qallaji.
Tuunta iyo cusbada kasha ku rid. Si fiican isku shiid.
Ku dar sanjabiisha la xoqay, filfisha madoow, huruudda, xawaashka, iyo casiirka liin dhanaanta. Si fiican isku qas.
Kalluunka (mallaayga) si fiican u wada mari.
Gudahana si fiican u mari. Haddaad doontid, qaboojiyaha geli muddo 1 ilaa 2 saacadood. Haddii kale, hore ka shiil.
Burka saxan fidsan ku shub. Kalluunka (mallaayga) ku rid.
Burka si fiican u mari.
Waxaa ku shiishaa saliid caddeey kuleylkeeda yahay 375°F/190°C. Dab dhexdhexaad ah isticmaal. Hubi inay saliidda kalluunka wada daboosho.
Kalluunka (mallaayga) midkiiba shiil muddo 3 ilaa 4 daqiiqo, ama ilaa uu ka bislaado, maqaarkana ka qababacleeyo.





Faallooyin
69 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
how to make blended tomatoes
ASC that was really easy and it also saved time thank you i love u all
Thank you very much for your kind comment.
masha allah waxaa badan ayaan niig
bartay ee kheer allah niisiyo
Aamiin walaal. Adigana qayr badan Ilaahay ha ku siiyo. Mahadsanid.
مدونه رائعه
ممكن طريقة الارز ؟ شكله شهي ما شاء الله
/recipes/somali-rice-pilaf/ اضغطي هنا
بالهناء والشاء
marka hore aad in salamaya wallalyaal waan jeaclahy webtk faa’iido badan leeyahay wallo waxn uu bahnahay kaluun iyo bariiska inta badan reer jabuti samystan iyo faxfax maraq ah inaad nagu cawsan hadaad kartan thnzs so much
Waa ku mahadsan tahay salaanta wacan iyo faallada. Hadduu Eebbe idmo waan soo gelin doonnaa codsigaada. Mahadsanid.