Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Hilib Aroosto
Cuntada rasmiga

Hilib Aroosto

English
Eye of Round Roast
Français
Rôti de Rond de Gîte
العربية
روستو العجل

Waxaa qoray · ·

11 mukawin 15 tallaabo Diyaarin 35 daqiiqoKarin 3 saacWadar 6 saac ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Hilibka cusbo iyo filfil dhinac walba ka-mari.

  2. Digsi weyn oo dab dhexdhexaad ah saaran, saliidda ku-shub, hilibkana ku-rid. Dhinac walba ka-gaduudi.

  3. Hilibka ka-bixi digsiga. Basasha iyo tuunta ku-rid. Muddo hal daqiiqo shiil.

  4. Hilibka ku-celi, biyahana ku-shub.

  5. Ku-dar roosmeriga iyo caleenqaarka.

  6. Ku-dar mukacabaadka Knorr.

  7. Dabool oo ha-karo muddo 2½.

  8. Hilibka ka-bixi digsiga. Markuu qaboob, geli qaboojiyaha muddo laba saacadood. Wuxuu kuu fududaynaayaa inaad hilibka qafiif u-jartid.

  9. Haddaad jeceshahay, maraqa gursii, laakiin cusbadiisa dhedhemi. Yuusan aad kaaga dhanaanaan.

  10. Hilib Aroosto
  11. Hilib Aroosto
  12. Hilib Aroosto
  13. Hilib Aroosto
  14. Hilibka oo maraqiisa lagu sii kariyay
  15. Bir dab dhexdhexaad saaran, ku-shub 1 QW saliidda oliifada.

  16. Hilibka mariqiisa qaar ku-shub.

  17. Hilibka ku-rid.

  18. Kari ilaa uu ka-gursado.

  19. Labada dhinac ka-gaduudi.

  20. Saandwiish-ka sidaan u-diyaari: Rooti ku-shub wax yar maraqa hilibka, mayoneeys iyo mastard mari, hilibka saar, boqoshaar (mashruum) iyo basal laysku gaduudiyey saar, farmaajo sheedar cad saar. Waxaad gelisaa foorno ama toostar ilaa farmaajada ay ka-dhalaasho.

Sawirro

Faallooyin

40 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Said Kismaio

    shaqo wanaagsan baad qabateeen, allaha idinka jazaa mariyo.

    really waxaan ahay arday qurba jooga ah, videos-kana aad baan uga faa’iday sidaaan cunadeyda u samesan lahaa.

    without your videos baahi baan u baqtin lahaa baan filayaaa.

    thnks

    1. A&LXawaash

      Adigana Ilaahay ha kaa abaal mariyo qoraalka fiican aad inoo soo qortay. Waan ku faraxnay inaad ka faa’iidaysatay baahidana aad ka hortagtay. Mahadsanid walaal.

  2. safiyo abas

    asalaamu caleykum waad ku mahadsantahey sida aad markasta noosoo xasuusid mugadisho biidnilaah illahay hanooga dhigo nabad waarta,abaayo waxaan kaacodsadey qudaarta aad tiri waan soo gelinayaa ee agtaala eye round beefka,marka waan kaasugayaa abaayo sidaa iyo nabad gelyo.

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,

      Adigaa mahadda mudan walaal. Hadduu Eebbe idmo waan soo gelin doonnaa ee wax yar inoo samir. Mahadsanid.

  3. Um Yunis

    Masha’a allah,, what a beautiful, tastefull and easy and professional meal ,, Waw ,,, may allah rewards you Jannat alfurduus Jannat al naciim for your good deed. Sister layla and brother Abdulahi I thank you guys both from the bottom of my heart and I guess with this deed you are going to keep up with the diets of Somali families all over the world. It may also contribute in keeping spauses together with no fights or divorces (Lol). I am just little bit concern about the music recorded in each episod could reduce your ” Ajar from Allah ” because as being muslim listening to music is ” Xaraam”,,I myself put the volume down to zero and keep watching your magnificent meal.

    Jazaak allah khayr again and again

    1. A&LXawaash

      Thank you very much, sister Um Yunis, for the beautiful comment. Your comment is both heartening and encouraging.

      As far as music is concerned, we believe that music is permissible in Islam. Music is so beautiful and God loves beauty. The negative things that many associate with music, music is innocent of them. All speech cannot be bad just because some of it is vulgar. For a more detailed explanation, please read our response to FHM, in the post for Grilled Boneless Lamb Shoulder. Thank you, and may God Almighty bless you and your family.

  4. Axmed yuusuf

    Aad Ayaad Umahad Santihiin Ciid Wanaag san Kulu Caam Wa An tum Bikhayr

    1. A&LXawaash

      Adigaa mahadda mudan. Ciid Wanaagsan walaal.

  5. Marwo

    Ascww, walalayaal Leyla iyo Abdullahi, waxaa i soo xasuusiseen duq noo shaqeeyn jiray Allaha u naxaristo Xamar oo hilibkaan wuxuu dhihi jiray :arrosto taglio bianco” Good old memories lakiin mar mar waan kariya thanks reer magaalkii horoow!

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,

      Waa runtaa annagaba sidaas ayaan u-naqaannaa. Waan ku-faraxsan nahay xasuus fiican inuu kuu leeyahay soo’da hilibka aroostada. Mahadsanid faalladaada.

Bariis Maraq

Somali Rice Pilaf

Fiigan (xoolo la’aan)Cuntada rasmiga
ENSOFRع

Kabaab

Meatballs

Cuntada rasmiga
ENSOFRع