Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Suqaar Digaag
Cuntada rasmiga

Suqaar Digaag

English
Cubed Chicken
Français
Poulet en Dés
العربية
مكعبات الدجاج

Waxaa qoray · ·

13 mukawin 9 tallaabo Diyaarin 25 daqiiqoKarin 20 daqiiqoWadar 40 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Meesha ugu horreeysay aan ka cunnay suqaarka digaagga waxay ahayd Maqaayadda Xamdi. Waa maqaayo Soomaali oo ku taalla magaalada Toronto, waana maqaayad caan ah. Marka aan aadno maqaayo Soomaali, ma dalbanno saxammo kala gooni ah. Waxaan dalbannaa saxan weyn oo bariis ah oo wata noocyo kala duwan oo hilib ah: hilib ari la foorneeyay, duubi, suqaar hilib, suqaar digaag, bisteeki hilib ama digaag, kalluun…

Badanaa waxaan dalbannaa laba nooc hilib ah, waana wadaagnaa annagoo ka cunayna isla saxankii. Wadaagidda waxay sii macaysaa cuntada. Waa la keenaa saxammo, qaaddooyin, fargeetooyin, iyo middiyo, laakiin macaamiisha badidood ma isticmaalaan.

Suqaarka digaagga waa cunto ku fiican ardayda iyo dadka keligooda nool. Waa cunto sameyskeeda aad u fudud yahay oo degdeg loo sameyn karo. Waxaa intaas u sii dheer inay tahay cunto kharashkeeda yar yahay. Waa soo gadan kartaan digaag maqaarka laga fiiqay, lafahana laga saaray, ama idinka ayaa hawshaas sameysan kartaan oo sidaas lacag idinkugu dhaqaaloobaysaa.

Fiidiyaha waxaan idinku tusnay sida lafaha looga saaro lugta iyo cajarka digaagga. Waxaan ognahay in meelaha qaarkood aan laga helin digaagga la diyaariyay, qaas ahaan waxaan fiidiyaha qaybtaas ugu talagalnay dadka jooga dhulka hooyo.

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Suqaar Digaag

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Lugo iyo cajarro digaag
  2. Ka saaridda maqaarka iyo lafaha
  3. Maqaarka ka fiiq

  4. Caddiinta ka jar

  5. Lafaha ka saar

  6. Qudaarta jarjar
  7. Diyaarinta suqaarka digaagga
  8. Bir dab dhexdhexaad ah saaran, ku shub saliidda kaddibna basasha ku rid. Ku dar bataatada (baradhada) iyo karootada. Si fiican u walaaq, kaddibna dabool oo 8 ilaa 10 daqiiqo kari.

  9. Ku dar Xawaashka, huruudda, babriikada, iyo cusbada. Si fiican u walaaq.

  10. Digaagga jarjaran ku rid, si fiicanna u walaaq. Dabool la’aan kari muddo 2 ilaa 3 daqiiqo.

  11. Biyaha ku dar, kaddibna dabool oo kari muddo 5 daqiiqo.

  12. Barbarooniga jarjaran ku dar, kaddibna 2 ilaa 3 daqiiqo kari.

  13. Filfisha madoow iyo basbaas cagaarka shiidan ku dar.

Sawirro

Faallooyin

53 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Maria

    Thank you uploading and sharing your cooking tips. Everytime I follow your instructions, it comes out right and perfect. Thank you. May Allah bless you.

  2. Halimo

    Thank you for this recipe. It’s Ramadan and I’ll be cooking this for my family. As the only female in my family, it’s a big responsibility to learn how to cook and this website helps so much.

  3. أبو وليد

    السلام عليكم

    ما شاء تبارك الله

    عمل احترافي ودقيق. بمعنى الكلمة

    لم أنجح في أي عمل بشكل ممتاز .

    إلا بعد أن تابعت وصفاتك الدقيقة جدا

    فعلا الوصفات. بالكوب .الملي غرام

    عملت فرق كبير

    وأيضا الشرح بالتفصيل له دور كبير

    عمل كبير تقوموا به

    فشكرا لكم

    سبق لي لن طلبت طريقة عمل الصامول

    الصمود

    قبل سنة من حضرتكم

    ولم تلبي طلبي

    ارجو ان تلبي طلبي فورا ولكم كل التقدير والاحترام

    أخوكم أبو وليد

    مكة المكرمة

  4. Tara

    This was so delicious! It was the first time I have made/tried Xawaash and it was perfect. Such a great recipe.

  5. Ophelie

    This so so good a total winner even with my fussy eater mashaAllah could eat it everyday and I manage to make the xawaash mix spice youhou!!! Thank you so much for your recipes

    1. A&LXawaash

      Thank you very much. We are delighted to know that.

Maraq Ari

Lamb Stew

Cuntada rasmiga
ENSOFRع

Bariis Maraq

Somali Rice Pilaf

Fiigan (xoolo la’aan)Cuntada rasmiga
ENSOFRع

Digaag Qumbe

Yogurt Coconut Chicken

Cuntada rasmiga
ENSOFRع