
Bukiini La Foorneeyay
- English
- Baked Plantains
- Français
- Plantains au Four
- العربية
- موز بالفرن
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Moos Bukiini La Foorneeyay
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Moos (muus) bukiini (bukeeni) bisil Diyaarinta moos (muus) bukiiniga (bukeeniga) Digsi ama bir dab dhexdhexaad ah saaran, ku rid buurada, sokorta, biyahana ku shub. Si fiican u walaaq, kaddibna 2 daqiiqo karkari.
Faniilada ku dar, kaddibna dabka ka demi.
Mooska u jarjar gaballo ½ inch (2.5 cm).
Gaballada mooska waxaad ku saftaa saxan foornada loogu talagalay.
Waxaad kor uga shubtaa sirabka, adigoo sirabka qaar ka reebanaysid.
Far iyo suul oo cusbo ah kor uga bilbil (haddaad doontid waad ka dhaafi kartaa). Qorfaha la shiiday kor uga bilbil. Ku dub foorno lasii kululeeyay 400°F/204°C muddo 45 daqiiqo.





Faallooyin
30 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
asc wr wb walalyaal aad baan idiinkugu mahad celimayaa ilahey wax ka qeyr badan ha idunkugu bado run tii waa na cawisen ilahey ha idiin cawiyo hal su aal ayaan ka qabaa moos bukenigiga kawaran hadaan aan istic maalo Vanilla nooca budada ah oo cadaan ka ah tii an Somaliyo ku darsan jirnay buskudka mahadsanid
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Aamiin walaal. Aad iyo aad ayaan ugu faraxnay faallada wacan aad inoo soo qortan. Ilaahay waxaan kaaga baryaynaa qayr iyo caafimaad.
Waa isticmaali kartaa faniilada budada.
manshaallaah waa cunto cajiib ah.
Mahadsanid.
ASC WALALL WAN IDIN SALAMAY MARKA HORE MARKA XIGA AD AYAN IDINKAGA MAHAD CELINENAA SIDA WANAGSAN OO AD MAR WALBO NOGU FAA,IDEYSAN SU AL AYAN RABAY IN AN IDIN WEYDIYO IDINKI AAD U MAHDSAN MOOSKA MA MOOSKA CADIGA AH OO AN ISTICMALNO KAAS MIYA MASE MOOS NUC KALE EH WAYE ASC
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Waa ku mahadsan tahay salaanta wacan. Waxaan isticmaalnay moos bukiini, ma’ahan moos caadi.
Hi A&L,
Wonderful recipe! Can’t wait to try it out! Fantastic work, you guys are doing. May Allah (S.W) bless you in abundance.
Thank you very much for your kind words. May God almighty bless you too.
i really love this recipe. thank you so much
but can you please try to make chicken alfredo? thank you
We will add it to the list. Thank you very much.