2 Sponge Cakes (2 Doolsho Soomaali) 2 Génoises ٢ كيك إسفنجي

2 Sponge Cakes (2 Doolsho Soomaali) 2 Génoises ٢ كيك إسفنجي

 
A sponge cake was the first cake we baked in Somalia. The ingredients were: 6 eggs, 1 cup sugar, and 1 cup flour. The steps were: separate the yolks from the egg whites; beat the egg whites with the sugar until foamy; beat in the egg yolks, then gently add the flour. Bake. The process, however, was not as easy as cake. Most people did not have electric mixers, and the majority had no ovens.
 
Cakes were baked in pots set on a charcoal stove. Hot embers were put on top of the lid, and these together with the warm coals underneath the pot, baked the cake. The right amount of coals, as well as the correct baking time, was determined by experience. Those who knew it, knew it.
 
Sponge cakes are by nature dry, but some are more dry than others. To make the cake more moist, we added a little melted butter to the batter. We also made sure that we did not bake the cake too long. Baking it too long, results in a very dry cake.
 
We wanted the cake to be very light, but using cake flour was not an option because many of our readers do not have access to it. To get similar results, we added cornstarch (cornflour) to the all-purpose (plain) flour. We experimented with different proportions until we settled on a ratio of 1 cup all-purpose flour to ½ cup cornstarch. We like the result and we hope that you will too.
 

 

Print Recipe

Print Recipe with Photos

 
Ingredients:

(Tbsp is a tablespoon; tsp is a teaspoon)
(1 cup = 237 mL = 2.4 dl; 1 Tbsp = 15 mL; 1 tsp = 5 mL); all are level measurements

Serves 10

1 cup (140 g) All-purpose (plain) flour
½ cup (65 g) Cornstarch (cornflour)
¼ tsp (1.25 mL) Salt

4 Tbsp (60 mL) Unsalted butter (melted)
1 Tbsp (15 mL) Vanilla essence (cake #1 )
1 tsp (5 mL) Ground cardamom (cake #2)
1 tsp (5 mL) Lemon zest (cake #1)
6 Large eggs
1 cup (200 g) Granulated white sugar

1 Tbsp (15 mL) Butter (soft) for greasing the cake pan
1 Tbsp (15 mL) flour for the cake pan 

Macerated strawberries:
½lb (225 g) Fresh strawberries 
1½ Tbsp (22.5 mL) Granulated sugar
1 Tbsp (15 mL) Fresh mint (chopped) 

 

Steps for preparing sponge cake #1

1. Combine the flour, cornstarch (cornflour) and salt and sift twice. 2. In a bowl, combine the melted butter, vanilla essence and the lemon rind. Mix well. 3. Place the bowl of the stand mixer in a larger bowl with hot tap water. 4. Place the eggs in the bowl for 10 minutes to warm them up. Stir frequently to prevent the eggs from cooking. 5. Attach the warm bowl to the mixer and add the sugar. 6. Beat on high for 5 to 7 minutes. Do not beat for less than 5 minutes. 7. Set the mixer speed to low and gradually add the flour mixture. Do not unnecessarily prolong the time for adding the flour8. Add the butter mixture and mix until just combined. 9. Pour the batter into a buttered and floured 9½” (24 cm) mould. Bake in a preheated oven at 350°F/177°C for 35 minutes.

 

Bring the eggs to room temperature

 

Beat the eggs & sugar for at least 5 minutes

 

Sponge Cake

 

Sponge Cake

 

Sponge Cake

 

With macerated strawberries & whipped cream

 

Steps for preparing sponge cake #2

1. Separate the yolks from the egg whites. 2. Place the bowl, that you intend to use, in a larger bowl with hot tap water. 3. Place the egg whites in the bowl and beat as you gradually add the sugar. 4. Beat the eggs and sugar until foamy and thick (8 to 10 minutes). 5. Add the egg yolks. 6. Beat for 1 minute. 7. Gently fold in the flour mixture. Mixing vigorously will deflate the batter. It is the air that was incorporated in the eggs that makes the cake rise (no need for a leavening agent). 8. Add the butter mixture and fold until just combined. 9. Pour the batter into a buttered and floured 9½” (24 cm) mould. Bake in a preheated oven at 350°F/177°C for 35 minutes.

 

Beat the egg whites & sugar for 8 to 10 minutes

 

Cake #2

 

Cake with Somali halwa & coffee

 

Cake with Somali halwa

 
Doolsho Soomaaliga wuxuu ahaa nooca koowaad ee doolshayaasha oo aan ku dubnay Soomaaliya. Maqaadiirta waxay ahaayeen: 6 ukun, koob sokor, iyo koob bur ah. Tallaabooyinka waxay ahaayeen: kala saar shaharka iyo xabka ukunta; xabka iyo sokorta isku garaac ilaa ay xumbo cad ka noqdaan; shaharka ku dar oo ku garaac, kaddibna burka si tartiib ah ugu dar. Dub. Laakiin howshaas ma ahayn mid fudud. Dadka in aad u yar ayaa qabeen makiinadda ukunta lagu garaaco, badidoodna guryaha foorno kuma qabin.
 
Doolshaha waxaa lagu dubi jiray digsi oo burjiko saaran. Dab yar ayaa hoos kaga shidnaan jiray, daboolkana dab ayaa la saari jiray. Qiyaasta dabka iyo inta waqti loo baahan yahay in la dubo doolshaha, labadaasba waxaa lagu bartay waayo aragnimo iyo qibrad. Qofkii yaqaannaa yaqaan.
 
Doolsho Soomaaliga sidiisaba waa doolshe aan qoyanayn. Laakiin qaar ayaa jira oo dhuunta ku istaagaaya haddaad damacdid inaad cuntid. Waxaan ku darnay in yar oo buuro ah si aan u jilcinno. Waxaan kaloo hubinnay inaan dubidda ku daahinin si uusan u qalalin. 
 
Waxaan rabnay inuu doolshaha qafiif noqdo oo uusan culusaanin. Doolshayaasha qafiifka ah waxaa badi laga sameeyaa bur doolsho (cake flour), laakiin waxaan go’aasannay inaan isticmaalin, sababtoo ah dadka badidood ma heli karaan burka noocaas ah. Si aan u helno natiijo u dhiganta, waxaan burka ku darnay waraango. Dhoor jeer ayaan tijaabinnay anagoo isticmaalayna cabirro kala duwan. Natiijada ugu fiican waxaan helnay markaan koob bur ah ku darnay ½ koob waraango ah. Annaga waan jeclaysannay doolshaha aan sidaas u sameynay, waxaanna rajeynaynaa inaad idinkana jecleysataan.
 

 

Daabac Soo’da

Daabac Soo’da oo Sawirro Leh

 
Waxa loo baahan yahay:   

(QW waa qaaddo weyn – midda cuntada lagu cuno; qy waa qaaddo yar)
(1 koob = 237 mL = 2.4 dl; 1 QW = 15 mL; 1 qy = 5 mL)

Ku-filan 10 qofood
1 koob (140 g) Bur cad
½ koob (65 g) Waraango
¼ qy (1.25 mL) Cusbo
4 QW (60 mL) Buuro aan cusbo lahayn (la-dhalaaliyay)
1 QW (15 mL) Faniilla ‘Foster Clark’ aan aalkolo lahayn (doolshaha koowaad)
1 qy (5 mL) Hayl shiidan (doolshaha labaad)
1 qy (5 mL) Qolofta liinta oo la-xoqay (doolshaha koowaad)
6 Ukun waaweyn
1 koob (200 g) Sokor
1 QW (15 mL) Buuro (qaboowga ka dhacay) oo la marinaayo birta doolshaha
1 QW (15 mL) Bur oo birta doolshaha lagu shubaayo 

Strooberi (Faraawlo):
½ lb (225 g) Strooberi (faraawlo)
1½ QW (22.5 mL) Sokor
1 QW (15 mL) Meento cusboon (fresh) oo la jarjaray

 

Diyaarinta doolshaha koowaad

1. Isku dar burka, waraangada, iyo cusbada. Laba goor shaqshaq. 2. Isku dar buurada la dhalaaliyay, faniillada, iyo qolofta liinta oo la xoqay. Isku qas. 3. Baaquliga makiinadda waxaad dhex dhigtaa baaquli ka weyn oo ay ku jiraan biyaha tuubbada oo kulul. 4. Ukunta baaquliga ku rid muddo 10 daqiiqo. Hadba walaaq si aysan ukunta u karsamin.  5. Baaquliga kululaaday makiinadda ku xir, sokortana ku shub. 6. Surcad sare ku garaac muddo 5 ilaa 7 daqiiqo. Ukunta ha garaacin 5 daqiiqo ka yar. 7. Markaad ukunta garaacdid kaddib, surcadda makiinadda aad u yareey. Burka tartiib ugu dar, aadna ha u dheeraynin waqtiga aad ku daraysid burka8. Buuradii aad qastay ku dar, wax badanna ha qasin. 9. Ku shub bir doolsho 9½” (24 cm) oo buuro iyo bur marsan. Waxaa ku dubtaa foorno la sii kululeeyay 350°F/177°C muddo 35 daqiiqo.

 

Ukunta qaboowga ha ka-dhaco

 

Ukunta iyo sokorta ugu yaraan 5 daqiiqo garaac

 

Doolsho Soomaali

 

Doolsho Soomaali

 

Doolsho Soomaali

 

Lagu qaddimay strooberi ‘faraawlo’ iyo kareemo

 

Diyaarinta doolshaha labaad

1. Kala saar shaharka iyo xabka ukunta. 2. Baaquliga aad rabtid inaad isticmaashid, waxaad dhex dhigtaa baaquli ka weyn oo ay ku jiraan biyaha tuubbada oo kulul. 3. Xabka ukunta baaquliga ku-shub, kaddibna garaac adigoo sokorta kiskis ugu daraysid.  4. Xabka iyo sokorta isku garaac ilaa ay xumbo cad ka noqdaan (8 ilaa 10 daqiiqo). 5. Shaharka ukunta ku dar. 6. Hal daqiiqo garaac. 7. Burka aad isku shaqshaqday tartiib ugu dar. Haddii aad xoog u walaaqdid, ukunta hawada ayaa ka baxaysa. Doolshaha waxaa kiciya hawada ukunta gashay marka aad loo garaacay (qamiir looma baahna). 8. Buurada ku dar, wax badanna ha qasin. 9. Ku shub bir doolsho 9½” (24 cm) oo buuro iyo bur marsan. Waxaa ku dubtaa foorno la sii kululeeyay 350°F/177°C muddo 35 daqiiqo.

 

Xabka ukunta iyo sokorta garaac 8 ilaa 10 daqiiqo

 

Doolshaha labaad

 

Doolsho, xalwo, iyo qaxwo

 

Doolsho iyo xalwo

 
La génoise est la première pâtisserie que nous avons réalisée en Somalie. Les ingrédients étaient: 6 oeufs, 1 mesure de sucre, et une mesure de farine. Les étapes étaient: séparer les jaunes et les blancs d’oeufs; battre les blancs d’oeufs avec le sucre jusqu’à ce qu’ils soient mousseux; ajouter les jaunes en battant, puis ajouter doucement la farine. Cuire. Cependant faire le gâteau ce n’était pas de la tarte. La plupart des gens n’avait pas de batteur électrique, et la majorité n’avait pas de four.
 
Les gâteaux étaient cuits dans des pots posés sur un fourneau à charbon. Des braises chaudes étaient posées sur le couvercle, et combinées à la chaleur des charbons dessous, cuisaient le gâteau. La bonne quantité de braises, ainsi que le temps de cuisson précis, s’apprenaient avec le coup de main. Ceux qui le savaientt, le savaient.
 
Les génoises sont par nature assez sèches, mais certaines plus que d’autres. Pour rendre le gâteau plus moelleux, nous avons ajouté un peu de beurre fondu à la pâte. Nous avons aussi fait attention à ne pas cuire le gâteau trop longtemps. Une cuisson trop longue donne un biscuit très, très sec.
 
Nous voulions que le gâteau soit très léger, mais utiliser de la farine à gâteau n’était pas une option car beaucoup de nos lecteurs n’y ont pas accès. Pour obtenir des résultats similaires, nous avons ajouté de la fécule de maïs (maïzena) à la farine blanche (ménagère). Nous avons expérimenté avec différentes proportions jusqu’à ce qu’on choisisse un mélange de 1 mesure de farine blanche pour ½ mesure de fécule de maïs. Nous apprécions le résultat et nous espérons que vous l’apprécierez aussi. 
 

 

Imprimer la Recette

Imprimer la Recette avec Photos

 
Ingrédients:

(cs est cuillère à soupe; cc est cuillère à café)
(1 mesure = 237 mL = 2.4 dl; 1 cs = 15 mL; 1 cc = 5 mL); mesures à ras

Pour 10 personnes

1 mesure (140 g) de Farine blanche ménagère
½ mesure (65 g) de Fécule de Maïs (maïzena)
¼ de cc (1.25 mL) de Sel
4 cs (60 mL) de Beurre doux (fondu)
1 cs (15 mL) d’Extrait de Vanille (gâteau #1)
1 cc (5mL) de Cardamome en poudre (gâteau #2)
1 cc (5mL) de Zest de Citron (Gâteau #1)
6 Gros Oeufs
1 mesure (200 g) de Sucre Blanc en Poudre

1 cs (15 mL) de Beurre ramolli pour graisser le moule à gâteau
1 cs (15 mL) de Farine pour le moule

Fraises Macérées

½ livre (225 g) de Fraises Fraîches
1½ cs (22.5 mL) de Sucre en Poudre
1 cs (15 mL) de Menthe Fraîche (ciselée)

 

Étapes pour préparer la génoise #1

1. Mélanger la farine, la fécule et le sel et tamiser deux fois. 2. Dans un bol, mélanger le beurre fondu, l’extrait de vanille et le zest de citron. Bien mélanger. 3. Placer le bol du robot dans un saladier plus grand rempli d’eau chaude du robinet. 4. Placer les oeufs dans le bol pendant 10 minutes pour les réchauffer. Mélanger souvent pour éviter que les oeufs cuisent. 5. Attacher le bol chaud au mixer et ajouter le sucre. 6. Battre à vitesse rapide pendant 5 à 7 minutes. Ne pas battre moins de 5 minutes. 7. Réduire à vitesse du mixer à lente et ajouter petit à petit le mélange de farine. Ne pas prolonger inutilement le temps pour ajouter la farine. 8. Ajouter le mélange de beurre et mélanger jusqu’à ce qu’il soit juste incorporé. 9. Verser la pâte dans un moule beurré et fariné de 24 cm (9½ pouces). Cuire dans le four préchauffé à 350°F/177°C pendant 35 minutes.

 

Attendre que les oeufs soient à température ambiante

 

Battre les oeufs et le sucre pendant au moins 5 minutes

 

Génoise

 

Génoise

 

Génoise

 

Accompagnée de fraises macérées et de crème fouettée

 

Étapes de préparation de la génoise  #2

1. Séparer les jaunes des blancs d’oeufs. 2. Placer le bol que vous allez utiliser dans un saladier plus grand rempli d’eau chaude du robinet. 3. Placer les blancs d’oeufs dans le bol et battre tout en ajoutant petit à petit le sucre. 4. Battre les blancs d’oeufs et le sucre jusqu’à ce qu’ils soient mousseux et épais (8 à 10 minutes). 5. Ajouter les jaunes d’oeufs. 6. Battre 1 minute. 7. Incorporer délicatement le mélange de farine. Si la pâte est trop battue, elle se dégonflera.  C’est l’air qui a été incorporé dans les oeufs qui fera gonfler le gâteau (pas besoin de levure). 8. Ajouter le mélange de beurre et d’épices et ajouter doucement en retournant la pâte jusqu’à ce qu’il soit juste incorporé. 9. Verser la pâte dans un moule beurré et fariné de 24 cm (9½ pouces). Cuire dans un four préchauffé à 350°F/177°C pendant 35 minutes.

 

Battre le oeufs et le sucre pendant 8 à 10 minutes

 

Gâteau #2

 

Gâteau servi avec de la halwa Somali et du café

 

Gâteau servi avec de la halwa Somali

 

 

 

 

 

Related posts:

100 Responses to 2 Sponge Cakes (2 Doolsho Soomaali) 2 Génoises ٢ كيك إسفنجي
  1. Amal
    November 19, 2012 | 4:15 am

    I want that xalwooooooooooooo! You guys are Masha Allah

    • A&L
      November 19, 2012 | 9:50 pm

      Yes, the halwa was good with the cake. Thank you.

    • Amal
      November 22, 2012 | 7:45 am

      mashallah where can we get the halwa recipe??

      • A&L
        November 22, 2012 | 6:03 pm

        We have already posted a recipe for Halwa, but this is from a new recipe that is “fail-proof.” God willing, we will post it.

  2. umu huda
    November 19, 2012 | 12:40 pm

    asc waal aad ayaad umahad santihiin ajerna ilaah ha idinka siiyo aad ayaad noo caawiseen ilaahaey ha idin caawiyo aad ayaan oga faa iiday runtii waadna ku mahad santihiin asc

    • A&L
      November 19, 2012 | 9:54 pm

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,
      Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay faallada iyo ducada fiican. Qayr ayaan kuu rajaynaynaa.

  3. um asmaa
    November 19, 2012 | 10:07 pm

    asalaamo aleykum walaalaheyga qaaligoo aadaa u-mahadsantihiin niyadiin allaah niiyeelo dambigiin iyo kan waalidkiin allaah dhaafo walaalaheyga qhaaligoo maaashaallaah tabaarakallaah axsan doolsha tislam eed lisawat runtii wakumahadsantihiin waxqabadkiina quruxda wanaaga baddan aadaa niigu farxaa inshaa allaah inta cimrigiina kadhiman farxad kuwada waara idinka iyo intii jeceshihiinba walaal su-aalaaqaba xalwada 1mar besee iitoostay kadib wey iitoosi laadahay maxaa iga qaldan maogi shukrran calaa kullishey jazaakallaahu kheyr waqer jamic muslim baarakallaah fiikum dunyaa wal aqhr

    • A&L
      November 19, 2012 | 11:25 pm

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,
      Walaasheenna qaaliga ah waa ku mahadsan tahay dhiira gelinta iyo ducooyinka fiican. Ilaahay waxaan kaaga baryaynaa qayr oo aan dhammaan. Cabbirada si-fiican u-raac, midda kale dabka dhexdhexaad sare ku-kari. Nus saac ka-badan ha-karin, haddii kale wey kaa adkaaneysaa.

  4. um asmaa
    November 20, 2012 | 4:35 am

    inshaa allaah anaa niilasoosocodsiinaayo bacda karis

  5. salma
    November 20, 2012 | 10:00 am

    masha alaah walaalahayga qaaliga ah aad iyo aad baad u mahadsantihiin dhamaantiin walaahi markiiba aan arkay waan sameeyey it became realy good doolsha cornstarch aad buu uqurxiyey i like it and easy too qeyr farabadan alaha idin siiyo adunyaa wa aqirah insha alaah

    • A&L
      November 21, 2012 | 12:08 am

      Waan ku-faraxnay doolshaha inaad sameysatay oodna jecleysatay. Waa ku-mahadsan tahay faallada iyo ducada fiican. Qayr ayaan kuu rajaynaynaa.

  6. leyla
    November 20, 2012 | 2:21 pm

    hi, what will your next post be

    • A&L
      November 21, 2012 | 12:01 am

      What would you suggest? :)

      • leyla
        November 24, 2012 | 4:36 am

        well i just came from barawa as a holiday and my auntie makes the best peera mashallah, so can you make peera please inshallah

        • A&L
          November 25, 2012 | 12:36 pm

          God willing, we will post peera in the near future. We are developing an easier recipe that will take less time to make.

  7. maryan
    November 21, 2012 | 12:36 am

    Ascww wl aad baa u mahadsantihiin ALLAH miizaanka xasanaadka ha idiinku daro wl ma ku isticmaali karaa ukunta iyo sonkorta inaan ku garaaco mixer maadaama aanan haysan baaquliga dabadeedn burka aan gacanta ku garaaco wa mahadsantihin.

    • A&L
      November 21, 2012 | 12:44 am

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,
      Makiinad (mixer) ku-garaac ukunta iyo sokorta, burkana gacanta aayar ugu qas ha ku-garaacin. Mahadsanid walaal.

  8. Neera
    November 21, 2012 | 4:06 am

    Hey guys, I was wondering if you guys could send me the lyrics and/or translation of Dar Alle, its such a beautiful song
    Thank you so much,
    Regards
    Neera

    • A&L
      November 21, 2012 | 9:09 pm

      We couldn’t find the lyrics.

  9. Shukri
    November 21, 2012 | 7:25 am

    Masha Allah dushaas bay ka muuqataa inuu aad u macaan yahay doolshahaa samayseen thnkz ana markayga ayaan isku dayi doonaa inuu ii hagaago ayaana rajaynayaaa, aad baa u mahadsantihiin A&L

    • A&L
      November 21, 2012 | 8:28 pm

      Adigaa mahadda mudan walaal. Waxaan rajaynaynaa inaad jecleysato. Mahadsanid.

  10. Rahma
    November 21, 2012 | 3:24 pm

    Nice dolce, but i am still waiting burioche and crostata or it was like a cake, but you put strawberry jam on top of it and bake it i think.

    • A&L
      November 21, 2012 | 8:29 pm

      We hope to post the crostata in the near future. Thanks.

  11. umu Akram
    November 22, 2012 | 8:57 am

    asc leyla and abdulahi aad baan idin kaga mahad celinayaa waana doolsha wanagsan lkn walalkis iyo walashis warangada lagu daraya ma tan xalwada lagu daraa mahad sanidiin

    • A&L
      November 22, 2012 | 6:20 pm

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,
      Adigaa mahadda mudan walaal. Warangada waa midda xalwadda lagu daro. Mahadsanid.

  12. Amina Aden
    November 22, 2012 | 3:22 pm

    Aad Ayaan Idinka Mahad Celinayaa Hawsha Wayn Ee Somali Dhan Ku Faani Karto Ee Aad Isu Xil Qaanteen, Noolada Oo Wada Jira Waligiin Lamaane Qurux Badan Ayaad Tihiin.

    • A&L
      November 23, 2012 | 12:21 am

      Walaal Amina, aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay sida aad noo dhiira gelisay. Ilaahaa mahadda leh oo nagu kaalmeeyey inaan waxa yar aan sameyno nooga dhigay waxay dadkeenna jeclaadaan. Waxaan Eebbe kaaga baryaynaa qayr badan oo aan dhammaan.

  13. foos
    November 24, 2012 | 8:22 pm

    asc walaahi wax badan aan ka daawada cuntooyinka aad noo soo bandhigteen laakin weli isku ma dayin in aan sameeyo mashquul awgeed laakiin hada aan fadhiyo guriga bishaaan aan rabaa in aan sameeyo inta aan ka jecladay meesha oo dhan aad iyo aad aa ugu mahadsan tihiin sida aad noogu soo sameesen websadkan doorshaha an ka bilabay mar walbo oo uu kicin markaan sameeyo insha allah … waad mahadsan tihiin

    • A&L
      November 25, 2012 | 1:51 pm

      Aad iyo aad ayaa u-mahadsan tahay hadalada wacan aad inoo soo qortay. Waxaan rajaynaynaa inaad jeclaatid markaad samaysatid.

  14. umm R
    November 25, 2012 | 8:51 am

    i am so proud OF you guys i always imagine the effort you put in this work the hard work u do n how u reply to all queries.. i made this cake n made a victorian cake out of your sponge cake… the idea of using corn starch n hot water during mixin the egg… i personally use several websites for cookin but i find u the best sincerely..most of the times i have the ingridients at home…n macshara n mashmash i use to crave for them when i was early pregnant now i can make it THANKS A MILLION FOR THE WORK U DO AND THE GENEROSITY…….

    • A&L
      November 25, 2012 | 4:18 pm

      Thank you VERY, VERY much for your fabulous comment. It is really appreciated and it will definitely give us a boost. We are very happy that the little we do had a big affect on you. Thanks again.

  15. asho
    November 25, 2012 | 7:35 pm

    waaaaaaaaaaaaaw. maasha allah walaalayaaloow qeyr badan oon la koobi karin alah nii siiyo, codsi baan rabaa keekaas oo chocolateka la galinaayo ayaan rabi lahaa marka keega waan arkaye sidee keega chocolateka loo galiyaa,
    thankz raalina iga ahaada iknow inaad bussy tiihiin waan ogahay,

    • A&L
      November 25, 2012 | 9:00 pm

      Waa ku-mahadsan tahay faallada iyo ducada. Hadduu Ilaahey yiraahdo waan soo gelin doonnaa doolshahaan oo shukulaato leh.

  16. asho
    November 25, 2012 | 7:42 pm

    iyo chocolateka la galiyo kee ufiican hersheys kaan galiyay iimana fiicnaan,

    • A&L
      November 25, 2012 | 9:07 pm

      Badanaa Hershey waxaa laga sameeyaa “natural cocoa.” Nooca shukulaatada aan jecelnahay inaan isticmaalno waxaa loo yaqaanaa “dutch processed cocoa powder” oo aan lahayn qaraar.

  17. Aminah
    November 26, 2012 | 12:49 am

    MASHAALLAH Walalo I love ally our recipes keep them coming

    • A&L
      November 26, 2012 | 8:25 pm

      Thank you very much for your confidence in our recipes and thank you for the comment.

  18. imaan
    November 26, 2012 | 6:12 am

    A/S/C walaalahayga qaaliga aad baad u mahad santihiin. aad baan uga helay doolshada quruxda badan ilaahay ha idinka abaal mariyo sidaa noogu faa’idayseen. waxaan idinka codsanaaya sida loo sameeyo leefo leefo ga reer marko mahad sanid

    • A&L
      November 26, 2012 | 8:50 pm

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
      Adigaa mahadda mudan walaasheenna, imaan. Waan ku-faraxnay inaad jeclaatay doolshaha. Hadduu Ilaahey yiraahdo waan soo gelin doonnaa leefo leefo. Qayr ayaan kuu rajaynaynaa. Mahadsanid.

  19. umu muad
    November 26, 2012 | 9:14 pm

    Jazakumu allahu kheir .your effort is much appreciated but Can you guys please post a recipe for “nanac luubani” I don’t remember much about Somalia but definitely remember this treat.thanks!!!

    • A&L
      November 26, 2012 | 10:29 pm

      Thank you very much for your comment. God willing, we will post it.

  20. hani
    November 30, 2012 | 12:05 pm

    walalayal aad iyo ayaad ugu mahd santihiin aad ayan oga faa ideysanayaa waxan idinka cod sanayaa inaa nosoo galisaan sida losameynayo baqlawaa

    • A&L
      December 1, 2012 | 7:56 pm

      Hadduu Ilaahey yiraahdo waan soo gelin doonnaa.

  21. almaas
    December 2, 2012 | 5:29 pm

    asc
    dhamaan waa mahadsantihiin gaar ahan leila and abdullahi saad noogu hurteen waqtigiina ani ahaan waan iskudayay lkn waxa jira hal cilad oo fahmi wayey keega hooslee kagubanaa korne magaduudaneeyso dabka waas gaabshay haye hee farsama yaqaaniinta ha lasoo ciladbaxsho meeshi waxsi kayihiin
    thnkz all
    asc

    • A&L
      December 4, 2012 | 7:17 pm

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
      Adigaa mahadda mudan walaal. Waxay nala tahay foornada inay aad u-kululayd. Foornooyinka kulaylkooda way kala duwan yihiin, waxaa dhici karta foornadaada kulaylkeeda saa’id inay tahay. Kulayl ka yar ku-dub. Midda kale markaad wax dubaysid dhexda ku-dub, meesha ugu hoosaysa ama meesha ugu sareysa lama rabo in-lagu dubo. Mahadsanid.

  22. A.
    December 9, 2012 | 6:23 am

    I want to try this today! I can never say this enough, but really, thanks for the great recipes. I can always count on your website. I had a dinner party over the summer and cooked 70% of the food from your site :) and it was a huge success alhamdulilaah :)

    • A&L
      December 9, 2012 | 11:57 pm

      Thanks a lot for your feedback and for your confidence in our recipes. We are happy to know that the recipes are working for you. Thank you.

  23. Faiza Mohamed
    December 15, 2012 | 3:39 am

    Thank u guys for this lovely recipe. Really lovely!! Made this for a birthday party and everyone liked it! Keep up the good work and may Allah bless u for sharing!

    • A&L
      December 15, 2012 | 8:07 pm

      Thank you very much for letting us know. We are happy you liked it.

  24. hodan
    December 22, 2012 | 5:08 am

    asc A&L walal wa mahadsan tihiin in badan illahayna ajir ha idinka siiyo sida fiican aa noogu faaideyseen. ma ogidiin inta ey igu qaadatay runti doolshe somalia in aan sameeeyo. its easy wlhi inshallah im gonna try. thanks again

    • A&L
      December 23, 2012 | 12:25 am

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
      Adigaa mahadda mudan walaal. Waxaan rajaynaynaa inaad jeclaatid markaad isku daydid. Mahadsanid.

    • maxamuud
      February 28, 2013 | 10:34 am

      Aamiin

  25. abas
    December 31, 2012 | 4:33 pm

    Thank you very much for letting us know.

    • A&L
      January 1, 2013 | 12:39 pm

      You are welcome.

  26. maxamuud
    January 11, 2013 | 11:50 am

    asc walaal, Hadii aan rabo 1 kiilo sokora xalwo in aan ka sameeyo” warangada imisa ayaan u baahanayaa?
    mahadsanidiin!

    • A&L
      January 11, 2013 | 10:51 pm

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
      Cabbirada laba jibaar kadhig, waraangada 1 koob ayey noqonaysaa.

      • Maxamud
        January 19, 2013 | 2:25 am

        Walaal Gram ahaan ma iigu soo qori kartaa 1 kg sokor inta warango aan ku dari lahaa?

        Mahadsanid!

        • Maxamud
          January 19, 2013 | 2:38 am

          Aauj :( Midkalane waan iloobay cabirka biyaha

          Intaas ha la Iga cafiyo xalwada ayaan xiiso u qabaye :)

          • A&L
            January 19, 2013 | 7:55 pm

            Biyaha waxaad u baahanaysaa hal litir iyo bar. Rubac litir oo isla biyahaas waraangada ku qas. Mahadsanid.

        • A&L
          January 19, 2013 | 7:50 pm

          Xalwadda 1 kg sokor waxaad ku dartaa 125 g oo waraanga ah. Mahadsanid.

          • maxamuud
            February 28, 2013 | 10:33 am

            Mahadsanidiin In badan!

          • A&L
            February 28, 2013 | 11:30 pm

            Adigaa mudan walaal.

  27. hibaaq canao
    January 25, 2013 | 3:51 pm

    asc abdullahi iyo leyla waa mahadsan tihiin doolshahan cawa baroobeyay wana i fiicnaaday alx marar badan oo hore ayaan isku dayay lkn waligay i ma fiicnanin waxana filaa waxa i caawiyay cawa waa biyaha kulul iyo warangada thanks agaaaaiiiiiin :D

    • A&L
      January 26, 2013 | 12:24 am

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
      Waan ku faraxnay inuu ku hagaagay. Mahadsanid walaal.

  28. maymmuna
    January 27, 2013 | 5:23 am

    walaal waan idin salaamay salaan kadib doolashaha markaan dubayo dabka kor iyo hoos miyaan mar qura wada shidaa?

    • A&L
      January 27, 2013 | 7:44 pm

      Foorno haddaad ku dubaysid dab hoose ayaa lagu dubaa. “Bake” isticmaal “broil” lama rabo. Dhuxul haddaad ku dubaysid, dab yar ayaa burjikada loo daayaa inta kale daboolka kor ayaa lagu shubaa.

  29. maxamed mursal sulub
    February 7, 2013 | 9:07 am

    السلام عليكم intaa ka bacdii aad iyo aad bad u mahad santihiin dhamaan ummada soomaliyeed gar ahan kuwa halkan fikkirkooda ka qaatay aad baad u mahad santihhin weliba si gaar ahaan ah waxaan u si sallamaya inanata sharafta mudan ee sameysay website xawash

    • A&L
      February 7, 2013 | 9:54 pm

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
      Adigaa mahadda mudan walaal. Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay faallada wacan. Xawaash wuxuu ku dhisan yahay iskaashi (teamwork).

  30. umu canab
    February 26, 2013 | 4:05 am

    asc walaal waan idin salaamaa dhamaantiin walaal qeeyr badan alaha idisiiyo waxaan idin weeydiinaa maheesto makiinaddiina camal marka mida sharaabka maku qasi karaa ukunta iyo sokorta mida kale badalka waraangada bakin makudari karaa hadaanse ukun bas udaayo armuu iga adkaadaa biyo maubaahno miyaa maha alaale inookiin waafajiyay hoowshaan fiican waad mahadsantahiin

    • A&L
      February 26, 2013 | 11:30 pm

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
      Makiinad qasab ma ahan inaad isticmaashid. Nooca labaad ayaa samaysan kartaa oo gacanta lagu qasay. Waraangada baking powder-ka laguma bedeli karo. Haddaad jeceshahay biyo yar waad ku dari kartaa. Qayr ayaan kuu rajaynaynaa. Mahadsanid.

  31. Zahra Elmi
    May 5, 2013 | 9:02 pm

    Can you do without corn starch?

    • A&L
      May 5, 2013 | 11:13 pm

      You can do without it, but it won’t be as light and won’t have as fine a crumb.

  32. YARKA
    May 10, 2013 | 4:43 pm

    WAAD MAHADSANTIHIIN LAAKIIN DEE SAAXIBAYAAL REER XAMARKA OO QUDHA AYAAD WAX U FAA’IDAYNAYSAAN WAAYO DADKA WAQOOYIGU MA FAHMAYAAN LUUQADAN AAD ISTICMAASHAY. MARKAAS SAXIBAYAAL FADLAN DEE DADKU HAYDINKA WADA FAAIDAYSTAAN EE LUUQADA CAADIGA AH EE DADKU WADA FAHMAYAAN KU SOO QORO. WARAANGO WALIGAY MA MAQAL

    • A&L
      May 10, 2013 | 6:42 pm

      Adigaa mahadda mudan. “Corn starch” waxaan u naqaanaa waraango. Bahalka maxaad u taqaanaa? :-) Hadduu Eebbe idmo waxaan soo wadnaa mashruuc ereyadaas oo dhan waadix ka dhigi doona.

  33. najah
    May 31, 2013 | 1:59 am

    ASC walaalayal aadbad umahadsantihin waanka helay sidad u samaysen. inan sameyan raba walala qiyasta ayan su’aal ka qabaa koobka inte le’egyahay wa mid side ah

    • A&L
      May 31, 2013 | 11:00 pm

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
      Waan ku faraxnay inaad ka heshay. Koobka wuxuu ku dhow yahay hal litir oo afar meel loo qaybiyay. Waxaa soo qaadataa hal litir biyo afar qaybood oo isle’eg u qaybi, rubacaas qiyaas ka dhigo. Mahadsanid.

  34. fartuun c/hi
    July 24, 2013 | 11:12 am

    aad baad u mahadsan tihiin walaal aadna waad noo caawiseen su aal ayaan qabaa waraangada ma ka maarmi karaa hadii aan ka maarmase maxaan u isticmaali karaaa?

    • A&L
      July 24, 2013 | 1:36 pm

      Adigaa mahaddan walaal. Waa ka maarmi kartaa waxaana ku beddeli kartaa rubac koob bur. Waraangada doolshaha qafiif ayey ka dhigtaa. Mahadsanid.

  35. MARWA
    July 25, 2013 | 8:09 am

    wll adoo mahadsan waaxay waraango ma custard ka ama naba niyada bahashan la yidhaa

    • A&L
      July 25, 2013 | 9:36 pm

      Dadka qaarkood waxay u yaqaanaan nashad.

  36. sumaya
    July 28, 2013 | 11:26 am

    Asalam Calaykum walaayalaal you guys are amazing and doing an amazing job qayr Allah idiin siiyo. This cake is amazing and I want try it my question is can this cake be a jelly role if I bake it in a baking sheet or this recipe is not for that? If yes what temperature and how many minute is gonna bake? JAZAAKa ALLAH QAYR

    • A&L
      July 28, 2013 | 3:18 pm

      Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.
      Thank you very much for your comment. It is the same recipe. You can add about 3 Tbsp water or milk for a softer cake. Bake at 350°F/177°C for 12-14 minutes.

  37. S koorweyne
    October 26, 2013 | 7:52 am

    Asc wr wb A&L aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin sida wanaagsan aad noogu soo gudbiseen Maanta waxaan isku sayey Doolsho waxaana u sameeyey adinka oo kale waan sawirey lakin waan kaxumahay in aanan idiin soo gudbikarin sikastabo mahadsaniid.

    Siciid koorweyne

    • A&L
      October 28, 2013 | 1:57 pm

      Adigaa mahadda mudan walaal. Aad iyo aad ayaan ugu faraxnay inaad ku guulaysatay iyo inaad nala socodsiisay. Waxaad ku soo diri kartaa mail@xawaash.com.

  38. fatuma
    December 31, 2013 | 12:40 am

    asc. walaalayaal aad ayaad u mahad san tihiin waanan ka faa,iidnay camalkiina walalayaal anigu doolsha horey ayaan usameyn jiray waxaanan ka sameyn jiray.

    4xabo ukun, sideed qaado bur, 10qaado sonkor, halqaado baking, iyo heyl yar waxanan isticmaalaa gacan tayda ma haysto qalab. marka waxaa iga su,aal ah maka heli karaa alaabtan aad soo qorteen soomaaliya waase maxay micnaha aan ku fahmi karo erayadan.

    1 buuro
    2 faraawlo
    3 meento
    4 waraango
    fadlan ii faah faahi waxa ay yihiin afartan shay.

    aad ayaad u mahadsan tihiin

    • A&L
      January 6, 2014 | 2:31 am

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
      Gacantaada ayaad isticmaali kartaa haddaadan qabin makiinadda. Buuro waxaa loo yaqaanaa “butter” af Ingiriss, af Carabiguna waa zubda “زبدة”. Faraawalo waa “strawberry” haddaadan heli karin furuut kale ku beddel sida cambaha. Meento waa caraf sida vanilla-da oo kale. Nacnaca ayaa lagu daraa, cabitaanna waa laga sameeyaa. Af-Carabi waxaa lagu yiraahdaa نعناع. Af-Ingiriisiga-na waa “mint.” Waraango waa nashad, xalwaddana waa lagu kariyaa.

      Nala socodsii haddaad wax kale u baahan tahay.

  39. basma
    March 11, 2014 | 5:42 pm

    asc walaal waxan rabay ina ku weydiiyo macnaha waraango yacnii Somali kale mkiya jiro oo lo yaqaano oo ad iigu shegi kartaan mahadsanidiin

    • A&L
      March 11, 2014 | 10:19 pm

      Dadka qaar nashad ayey u yaqaanaan.

  40. Najma
    April 22, 2014 | 5:35 pm

    i have one question sister

    I am having problem with somali cake either it gets hard or crambly. I really need help and when I came to this website and you wrote NASHA, I did add it but it was not good please please help

    • A&L
      April 27, 2014 | 12:56 am

      Did you skip adding the butter? Did you use the correct baking temperature and time?

  41. Najma
    May 1, 2014 | 5:38 pm

    I did everything but it is not coming right but after work today I will try it again and I hope that it will come out right. I always love our food and proud of it, but sometimes it does not work for me. but thank you so much for everything you are doing.

    • A&L
      May 4, 2014 | 1:34 am

      With baking, the measurements have to be accurate. We hope it will work out for you this time.

  42. jawahir
    July 3, 2014 | 5:18 pm

    Asalam camalaykum walaal waan ku salaamy. This is a great cake but my first try didn’t turn out the way I wanned I divided everything in half because I wanted small cake and I baked it for 25mnt in 350f but the cake became dry and crumbly I need your help because I want to try it again is it the baking time and if it’s how long should I bake it for. Thanks Ramadan kareem

    • A&L
      July 5, 2014 | 2:34 am

      Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.
      Ramadan Kareem, Jawahir.

      It looks like the cake was over baked. The baking time also has to be adjusted based on the size of the pan you used for baking.

  43. Zaki
    July 17, 2014 | 11:00 am

    Asc walaalo ramadaan kariim waxaan rabaa anigu ma garanaayo sida loo sameeyo doolshaha lkn waxaan rabaa inaad iga caawiso oo aad ii sheegto doolsho ka fudud

  44. sumaya
    July 27, 2014 | 8:53 pm

    Aslam calaykum walaal waan idiin salaamay marka hore marka xiga sponge cake marwalbo waaan jeclahy in aan sameeyo marka waan isku dayey in aan sameeyo waxaana raacay recipe 1 exactly sida aad u sameeseen laakiin cake ga markaan ka saaray oven ka oo uu qaboobay oon pan ka saaray waxaan arkay in uu dhexda especially salkiisa uu dhagax noqday walaal maxay kula tahay oo sababi kara midaa please iga caawiya midaa JAZAAKA ALLAH QAYR AND EID MUBARAK

    • A&L
      July 30, 2014 | 1:55 am

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
      Ciid Wanaagsan walaal. Foornada mar walba shelfka dhexe ku dub. Hoos iyo kor midna lama rabo. Kulaylka foornada iyo waqtiga dubidda waa inay sax noqdaan. Haddii fooranada lagu daahiyo wuu adkaanaayaa.

  45. أم عبدالله
    August 24, 2014 | 2:48 pm

    شكرًا جزيلا على الوصفة الرائعة..في الكعكة الثانية رائحة البيض ظاهرة ما الحل؟..

    • A&L
      August 26, 2014 | 12:32 am

      هل اضفتي الهيل المطحون؟

      • أم عبدالله
        September 3, 2014 | 3:17 pm

        نعم حسب الوصفة…سأعاود المحاولة إن شاء الله .. شكرًا

Leave a Reply

Wanting to leave an <em>phasis on your comment?

Trackback URL http://xawaash.com/wp-trackback.php?p=5405

About (Annaga)
Qui Sommes Nous نبذة عنا

We are a husband and wife team and we live in Canada. In a world full of food complications, we make cooking very simple. Our recipe videos will make your cooking easy, relaxed and enjoyable. We bring you the foods we love from Somalia and from around the world.