
Rooti
Ceesh
- English
- Pita Bread
- Français
- Pain Pita
- العربية
- الخبز – العيش
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Ceeshka madoow
Ceesh Cad
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Diyaarinta ceeshka Mukawinaadka oo dhan baaquli ku rid. Haddaad makiinad isticmaaleysid, 5 daqiiqo ku rifaaq. Haddaad gacan ku qasaysid, 10 daqiiqo rifaaq.
Dabool cajiinka oo ha fuuro muddo 1 saac.
U qaybi lix gabal oo isle’eg. Dabool oo nus saac kale ha fuuro.
Cajiinka u fidi buurni ¼ inch (½ cm)
Dhig muddo 10 daqiiqo intaadan dubin.
Ku dub foorno la sii kululeeyey kuna jiro dhagax ama bir foorno 500°F/260°C muddo 3 daqiiqo.





Faallooyin
52 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Asc walaal waa mahadsantihiin xagee laga helaa dhagaxa waxaan joogaa sweden qof yaqaano hadduu jiro meesha laga gelo
Asc walalaha xawaash.com aad bad umahad santahiin tagerada aad nohaysaan cuna karinta, sual an ku waydyo walal ceeshka waxa kali lagu karin karo fornada bes miyaa mise taawo waa lagu karin karaa oo tawada aan saro shoolada wax lagu karsado maku karin karaa jwb wlal
asw walaalayaal aad ayaad u mahadsantihiin wax badana waan ka faaiiday pagekiina, ilaahay haidinka abaal mariyo. waad mahadsantihiin.
Adigaa mahadda mudan walaal. Qayr ayaan kuu rajaynaynaa. Mahadsanid.
masha alah
birta dan danbe ad ku dubeysaan wan sari karaa somaha oo ofen ka ku jirta
ayada wan gadin karaa ?
Haa waa isticmaali kartaa.
A&L wala wan idin samay ilahey waxan idinkaga baryayaa in uu ajar idinka siiyo masha alah abalkiinana janada ka yeelo amiin
waxaan rabay in an idin weydiiyo walallahey birta ad sareysaan wa nuucee bir kastana ma sari karaa
saliid miyaan marinayaa birta
asc jazaaka alah
Waa ku mahadsan tahay salaanta wacan iyo ducada. Bir culus ayaa loo baahan yahay mana loo baahna in saliid la mariyo.