
Bariis Kabsaro Leh
- English
- Cilantro Rice
- Français
- Riz au Coriandre
- العربية
- الأرز بالكزبرة
Waxaa qoray Leila iyo Cabdullaahi · ·
Daawo
Mukawinaadka
1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).
Diyaarinta
Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.
Digsi dab dhexdhexaad ah saaran, ku-shub saliidda waxaana ku-dallacdaa basasha muddo 3 daqiiqo ah.
Bariiska ku-shub oo 2 daqiiqo kari.
Biyaha kulul ku-shub.
Caanaha qumbaha ku-shub.
Maraq qudaarta ama mukacabaatka ama cusbada ku-dar. Si-fiican u-walaaq.
Biseelida ku-dar.
Kabsaro caleenta ku-dar.
Dabool oo dab aad u-gaaban ku-kari muddo 15 daqiiqo ah. Muddadaas digsiga daboolka ha ka-qaadin.
15-ka daqiiqo kaddib, dabka ka-demi. 10 daqiiqo dhig intaadan gurin bariiska.





Faallooyin
36 faalloMahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.
Wax baa khaldamay. Fadlan isku day mar kale.
Maansha Allah. Alle ajar iyo xasanad ha idinka siiyo wax badan baan ka bartay vidoes-kiina. walal hadanan heli karin coconut milk maxaan ku badali karaa. mahadsnid.
Mahadsanid walaal. Qumbaha waxaad ku beddeli kartaa biyo. Qeyr ayaan kuu rajeynaynaa.
Walaal hadaana wada heli Karin waxaan oo dhan ka warama Sidee u karinaa
Waxa aadan heli karin inoo sheeg si aan jawaab fiican kuu siinno.
Asselamu aleykum
Please show us any brown rice recipe. I have plenty at home
but didn’t like the way I cook (plain) but atleast aromatized. Since it is healthy my family
always ask for it.
Thank you.
Wa’alaikum Assalam Warahmatullahi Wabarakatuh.
God willing, we will post a recipe for brown rice. Thank you for your comments.
Can I use brown rice if so..same quantity of liquids?
Yes, you can use brown rice. Brown rice requires more water to cook. You need to read the label for the amount of water needed.
ascwwb wlo aad baad umahadsantiin sida fiican e aad cuntada quruxda badan noogu soo galisaan wlo maso galin kartaan sida loo sameeyo caremada saladhka iyo lagu darsado wa mahadsantiin
Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,
Hadduu Eebbe idmo waan soo gelin doonnaa. Mahadsanid.