Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Cambuulo
Quraac · Cuntada rasmiga

Cambuulo

English
Ambulo
Français
Ambulo
العربية
عَمْبُولُو

Waxaa qoray · ·

Caafimaadka u roonFiigan (xoolo la’aan)Cagaaryahan 12 mukawin 12 tallaabo Diyaarin 5 daqiiqoKarin 20 daqiiqoWadar 8 saac 30 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Raashinka iigu xasuus badan ma ahayn mid aan ka cunay maqaayad aad u heersarreysa. Cuntadaas waxay ahayd digir iyo bariis aan ka cunay Mareer Gur, Soomaaliya. Waxay ahayd cunto aad ii qancisay! Soomaalida waxay u yaqaanaan federeeshan, waana federeeshan ka dhexeeya digir iyo bariis.

Subaxaas ayaan kasoo lugeeyay tuulada Gadoon waxaana abbaaray Mareer Gur oo ku taal dariiqa u dhexeeya Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo. Waxaan socday 22 kiiloomitir, beryahaasna socodka intaas le’eg aad ayuu iila fududaa.

Aniga iyo qaar kale oo ka mid ah ardayda ka qeyb qaadanaysay Ololaha Horumarinta Reer Miyiga, ayaan ku ballannay inaan ku kulanno Mareer Gur. Ololahaas waxaa loogu talagalay in reer miyiga lagu baro aqriska iyo qoraalka. Ololaha wuxuu lahaa faa’iido dheeraad ah oo ahayd in dhalinyaro badan ay dalkooda barteen.

Markaan kulannay oo sheekaysannay, waxaa la gaaray waqtiga qadada. Mid naga mid ah ayaa soo jeediyay fikrad in aan soo gadanno bariis iyo xoogaa hilib ah, kaddibna aan reer barinno inay bariiskaas inoo kariyaan. Sidaas ayaa dhaqaale inoogu jiray. Qorshihii isla markii ayaan ku dhaqaaqnay, muddo yar kaddibna waxaan kortaagnayn oo ku wareegsanayn islaan bariiska inoo karinaysay. Gacmaha waan sii dhaqannay, faraheennana biyo ayaa ka tifqaayay.

Islaanta waxay ku fadhiday gambar, digsigana wuxuu saarnaa burjiko. Markay aragtay gaajada naga muuqatay waxay ku dadaashay inay cuntada inoo dedejiso ayadoo si fiican dabka u babbinaysa. Gacan markay daasho, midda kale ayay ku babbinaysay. Qorraxda aad ayay u kululayd, deedkana har ma lahayn. Way dhididaysay, waxaana kulayka uga sii daray anagoo ka xirnay neecawda yar oo jirtay.

Daqiiqadda uu bariiska bislaaday, waxaa lagu geddiyay saxan weyn oo naloo saaray darin deedka tiillay. Qof walba boos ayuu ciriirsaday anagoo garbaha isku riixayna. Baariiska isla markii ayaa la weeraray asagoo weli qaac ka baxaaya. Waxaan arkay dhalinyarada kale oo sacabka la galaayaan, markaasaan anigana gacanta la aaday. Markay farahayga bariiska kulul taabteen, gacanta ayaan isla markii gadaal ula booday. Xabbad bariis ah oo far iiga dhegtay ayaan horey ka leefay si aysan ii sii gubin.

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Digir & Galleey

Digir & Sarreen Jilicsan

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Digir cambuulo
  2. Galleey cad oo la xanshariyay lana jajabshay
  3. Digirta iyo galleeyda biyaha lala dhigay oo la barbar dhigay kuwa qalalan
  4. Diyaarinta cambuulada hal habeen biyo lala dhigay
  5. Dhaq digirta iyo galleeyda (ama sarreenka).

  6. Lix koob biyo ku shub. Hal habeen biyaha la dhig.

  7. Biyaha ka miir oo si fiican biyo qaboow ku dhaq.

  8. Digirta ku rid digsi 4 litir qaada. Laba koob biyo ku shub. Haddaad bariis rabtid inaad ku dartid, hadda ku dar. Waxaan kaloo ku dartaa ½ biyo dheeraad ah.

  9. Dabool oo dab dhexdhexaad ah ku kari muddo 15 daqiiqo.

  10. Muddadaas kaddib, cusbada ku dar. Dabka u gaabi oo 5 daqiiqo oo dheeraad ah kari.

  11. Labada sheey ugu muhiimsan marka digir la karinaayo waa

  12. Digir iyo sarreen biyo lala dhigay
  13. Cambuulo (digir iyo galleey)
  14. Cambuulo
  15. Sareen jilicsan
  16. Diyaarinta cambuulada habka dhaqsida ah
  17. Digsi 4 litir qaada digirta iyo galleeyda (ama sarreenka) ku rid, 6 koob biyo ku dar. Kari muddo 5 daqiiqo, xumbadana ka qaad.

  18. Dabka ka demi. Dabool muddo 1 saac ha qasnaato.

  19. Biyaha ka daadi ee si fiican u dhaq.

  20. Digsi nadiif ku rid. 2 koob biyo ku shub.

  21. Dabool, dab dhexdhexaad ku kari muddo 15 daqiiqo.

  22. 5 daqiiqo u dambaysa cusbo ku dar, dabkana u gaabi.

Sawirro

Faallooyin

49 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. W. Ahmed

    Assalaamu alaikum,

    Thanks for this recipe, too. I made it twice, with the soaking overnight method, but I had to really increase the cooking time as they weren’t done with the total 30mins that you had suggested. I wondered where I went wrong?

    Also, I wanted to ask a question, please. I followed the beans and corn recipe; can I use a half beans and half corn distribution next time? Would that work? (Instead of the more beans and less corn suggestion above?) And would I need to adjust the cooking or soaking time? Thank you so much. Baarak’Allahu feekum. My family and friends all know about Xawaash due to the many recipes I have made from your site.

    1. A&LXawaash

      All dry beans are not the same. Some are drier than others. The more they age the drier they become. We find the quick soak method more convenient, and it is what we use most of the time. You can use half beans half corn if you wish. Best wishes for you and your family. Thank you!

  2. abdihadi

    ASC .waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa mulkiilayasha wepkan .runtii aniga waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo iskaabulo ah ardayna ah kuna nool wadanka china.cunooyinkii chinese ahaa oodhan baa iga hor yimid kadibna wepkiina ayaan ka faaiidaystay dhorkii sano waxbadana waa kabartay walahay aad iyo aad baan idinka mahad celinayaa sida aad iicaawiseen .waxwalba waa iifududaaday anigaaba karsada oo intaan daawado vedio ayaan isku dayaa kadibna waa keenaa siday tahay .jazakallah inta aad iga caawiseen noolashayda idin ma iloowi doona mustaqbalka.

    1. A&LXawaash

      Aad iyo aad ayaan ugu faraxnasan nahay inaad ka faa’iidaysanaysid. Waa ku mahadsan tahay faallada qaayaha leh aad inoo soo qortay. Guul ayaan kuu rajaynaynaa. Mahadsanid mar labaad.

  3. baaa

    kkkkkkkkk bro waan ka helaa waxyaabo badan ayaan ka fiir sada waa ku mahad santihiin waxaa jogaa belgium

    1. A&LXawaash

      Waan ku faraxsan nahay inaad ka faa’iidaysanaysid. Qayr ayaan kuu rajaynaynaa.

  4. cayni

    Mashaa allaah yam yam my favourite many thanks

  5. Ayan

    Maansha Allah waxan Allah idinkaga baryayaa inuu idin xafido gurigiina ajarbadana idinka siiyo wanaaga aad nala jeceshihiin adinkoo waqtigiina iyo qarashkiina noo huray,runtii aniga wax badanaa ka faaiiday webkaan siiba canbuulada oo aan jeclahay markan kariyana iskaga kay burburi jirtay allaha idiin abaal gudo walaalyaal

    1. A&LXawaash

      Aamiin walaal. Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay faallada qaayaha badan leh iyo hadalada wacan. Waan ku faraxnay inaad ka faa’iidaysanaysid iyo waxa aad jeceshahay inaad ka heshay. Qayr badan ayaan Ilaahay kaaga baryaynaa. Mahadsanid marlabaad.