Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Bariis Shaciiriyo Leh
Cuntada rasmiga · Raacis

Bariis Shaciiriyo Leh

English
Rice with Vermicelli
Français
Riz aux Vermicelles
العربية
أرز بالشعيرية

Waxaa qoray · ·

Cagaaryahan 6 mukawin 6 tallaabo Diyaarin 5 daqiiqoKarin 20 daqiiqoWadar 35 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Daawo

Fiidiyo aan muusik lahayn

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Bariis Shaciiriyo Leh

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Diyaarinta bariiska shaciiriyada leh
  2. Bariiska dhaq ilaa biyaha ay saafi ka noqdaan, kaddibna biyo la dhig muddo 15 daqiiqo.

  3. Digsi dab dhexdhexaad saaran ku shub saliidda, buurada (ama subag) iyo shaciiriyada. Shiil adigoo walaaqaysa ilaa ay ka gaduudato.

  4. Bariiska biyaha ka miir ee ku shub. Shiil muddo hal daqiiqo adigoo walaaqaysa.

  5. Ku dar biyaha kulul si tartiib ah (aayar ah).

  6. Ku dar cusbada oo hal mar walaaq. Wax badan ha walaaqin, haddii kale bariiska dhegdheg ayuu noqonaayaa.

  7. Dabool ee dab yar ku kari muddo 15 daqiiqo. Muddadaas digsiga daboolka ha ka qaadin.

Sawirro

Faallooyin

4 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. smirasaafi

    walaalayaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin sida aad noo bartaann cunto kariska waxaan idinka codsanayaa inaa soo gelisaan sida loo sameeyo calooley!!! waan isku dayay waa iga adkaatay idinkoo raali ah .

    waad mahadsan tihiin

    1. A&LXawaash

      Adigaa mahadda mudan walaal. Hadduu Eebbe idmo waan soo gelin doonnaa. Mahadsanid.

  2. umm asmaa

    asalaamu caleykum walaalaheyga qhaaligoow dhamaantiin wamahadsantihiin allaah niyadiin haniiyeelo idinka iyo intaa jeceshihiinba wallaal waakumahadsantihiin waxqabadkiina wanaaga quruxda badan runtii baryahaan waan ka mashquulay xawaash maanta markaan arkay waxyaabaha quruxda badan oocusub waanladhacay allaah haniibarakeeyo idinka iyo waalidiintiinba jazaakallaahu kheyrakum

    1. A&LXawaash

      Waclaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Aamiin. Walaasheenna qaaliga ah, waan ku faraxnay faallada iyo ducada fiican waanna ku mahadsan tahay. Intaad noogu ducaysay iyo in ka badan ayaan Ilaahay kaaga baryaynaa.

Biryaani

Fail-proof Biryani

Cuntada rasmiga
ENSOFRع

Cadriyad

Adriyad

Fiigan (xoolo la’aan)Raacis
ENSOFRع