Baked Salmon & Carrot Salad (Saalmon La Foorneeyay & Insalaaddo Karooto) Saumon Grillé & Salade de Carottes سلمون بالفرن وسلطة الجزر

Baked Salmon & Carrot Salad (Saalmon La Foorneeyay & Insalaaddo Karooto) سلمون بالفرن وسلطة الجزر

Baked Salmon & Carrot Salad

www.xawaash.com

Some recipes come to you very easily. The recipe for the carrot salad is one such example. It was sent to us by our friend J. who lives in France. She is the person who does all the French translation for us. Thank you J.!

Other recipes are difficult to get. Many of us had the experience of visiting a friend or family member and being offered a food that we fall in love with at first bite. But the recipe is a secret. It is no use insisting on being given the recipe, because when you really insist, suddenly the recipe for samosas yields hot dogs.

My mother once told us about a cake she had at a friend’s house. At the time, she was in Baidoa, Somalia and that friend was an American lady whose husband worked at Bonca, the experimental farm near Baidoa. Whenever she visited her, she was offered this delicious cake together with a cup of tea. When my mother asked for the recipe, her friend always evaded the question, making it evident that the recipe was a secret.

An American lady in Somalia, of course, doesn’t cook her food every day! She had a Somali cook but he was sworn to secrecy and he was not talking. Many times, the cook would see my mother making up excuses to enter the kitchen only to leave empty-handed. The cook’s position was not enviable. He was burdened with a secret and inside him was a word that had to be spoken. His plight reminded me of the poem Kudu by Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye. He begins:

Long ago there lived a king
who sprouted a pair of horns – just buds,
at first, but he checked them every day
and wore his turban low to hide
this blemish, to hide this mark of shame.

But a king, of course, doesn’t wash his own hair!
His man-servant knew all about the king’s shame
and day by day the knowledge grew
inside him, a word that had to be spoken,
a terrible secret that had to be told.

For many, many days, the poor servant suffered in silence until the day when he finally went outside the city, dug a hole in the ground and whispered his secret to the earth. Gaariye then ends the poem thus:

When the man told his tale
to the earth, the burden left him, it went
underground, and the man, why, he brushed himself down
and went on his way. And this is the strangest
part of the story: that even today,
when the soft rain falls on that place in the bush,
that very same place where he planted his secret,
horns like the kudu’s grow from the ground.

My mother’s persistence finally paid off. One day, she went again into the kitchen and discovered the secret. The cook did not place the secret in a hole in the ground. He strategically placed it in the garbage bin and it was sticking out like the horns of a kudu: an empty package of cake mix! In it went underneath her garbasaar (shawl) to be handed to my father to complete the mission.

Whenever I visit the supermarket and see packages of cake mix on the shelves, I remember this story and I smile.

(You can find the full poem at poetrytranslation.org)

 

Print Recipe

Print Recipe with Photos

 

Ingredients:

(Tbsp is a tablespoon; tsp is a teaspoon)
(1 cup = 237 mL = 2.4 dl; 1 Tbsp = 15 mL; 1 tsp = 5 mL); all are level measurements

 

  • 1¾ lb (800 g) Salmon fillet
  • 3 Garlic cloves (minced)
  • ¼ tsp (1.25 mL) Ground black pepper
  • 1 tsp (5 mL) Salt
  • 3 Tbsp (45 mL) Olive oil
  • 2 Tbsp (30 mL) Honey mustard
  • 2 tsp (10 mL) All-purpose (plain) flour

Carrot Salad:

  • 3 Carrots
  • 1 Lemon (juiced)
  • 1 Orange (juiced)
  • 3 Tbsp (45 mL) Olive oil
  • ½ tsp (2.5 mL) Salt
  • ¼ tsp (1.25 mL) Ground black pepper
  • 1 Tbsp (15 mL) Honey
  • 1 Tbsp (15 mL) Cider vinegar
  • 1 Tbsp (15 mL) Honey mustard
  • ½ cup (75 g) Currants – Or raisins
  • ¼ cup (80 g) Parsley (chopped)

Directions:

Salmon fillet


Steps for preparing the baked salmon

  1. Cut the salmon fillet into serving sizes.
  2. In a bowl, combine the garlic, black pepper, salt, olive oil, honey mustard and the flour.
  3. Mix well.
  4. Place the salmon pieces on a baking pan layered with aluminum foil.
  5. Apply half the marinade on the salmon fillets.
  6. Apply the other half of the marinade on the other side of the salmon fillets. Bake uncovered in a preheated oven for 12 minutes at 500°F/260°C.

 

Baked Salmon


Baked Salmon & Carrot Salad


 

Directions:

Steps for preparing the carrot salad

  1. Grate the carrots in the food processor.
  2. You can also use a grater.
  3. Combine all the dressing ingredients (lemon juice, orange juice, olive oil, salt, black pepper, honey, cider vinegar and honey mustard). Mix well.
  4. Place the shredded carrots in a bowl and add the currants and chopped parsley.
  5. Add the dressing.
  6. Mix well. It can be served immediately but it is best after it is refrigerated for a couple of hours or even overnight.

 

Carrot Salad


 

Saalmon La Foorneeyay & Insalaaddo Karooto

www.xawaash.com

Cuntooyinka qaarkood si fudud ayaa loo helaa sida loo sameeyo. Soo’da Insalaaddada Karootada ayaa tusaale u ah. Waxaa soo’daas inoo soo dirtay saaxiib deggan waddanka Faransiiska oo la magac baxday J. Waana iyada qofta waxa aan qorno ku tarjunta af-Faransiiska. Aad ayay ugu mahadsan tahay.

Waxaase jira soo’yo badan oo si sahlan lagu haleeli karin. Waxaan filaynaa in badankeenna ay nasoo martay inaan cunnay cuntooyin aan aad u jeclaysannay laakiin naloo diiday soo’dooda. Dadka qaarkood si cad ayay kuugu sheegaayaan inay soo’da sir tahay, qaar kalena way ka meeraystaan su’aasha. Faa’iido ma lahan inaad ku adkeysatid in soo’da lagu siiyo. Haddii aad ku adkaysatid, soo’da muufada lagu siiyay waxaa ka sameysmaya cambaabur.

Hooyo Faadumo waxay inooga sheekeysay doolsho ay mar ka cuntay guriga saaxiibteeda. Berigaas waxay joogtay magaalada Baydhabo, saxiibteedana waxay ahayd Maraykan oo odaygeeda madax ka ahaa beerta cilmi baarista ee Bonka. Goor kasta ay saaxiibteeda booqato, waxaa la siin jiray doolshahaas aadka u macaanaa. Wey isku dayday inay soo’da ka hesho laakiin wey kasoo saari weysay.

Haweenayda Maraykanka ah waxaa u shaqeyn jiray kuug (cunta kariye) Soomaali ah oo cuntada u karin jiray. Hooyo wey isku dayday inay sirta ka hesho, laakiin si xoog leh ayaa loogu adkeeyay inuu sirtaas bixinin, hadduu gaabsan waayana inuu gowrac jiro maqal. Dhoor jeer ayuu arkay hooyo oo jikada soo galeysa ayadoo wax ku marmarsoonaysa, laakiin mar walba ayadoo gacma maran ayay ka bixi jirtay. Kuuggii sirta way ku culusaatay, wayna hurdo seejisay. Dhibka haystay wuxuu i xasuusiyay maanso uu curiyay abwaanka caanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye (AUN). Maansada waa Madax Goodir, wuxuuna yiri:

Guyaal hore (sanado ka hor)
Boqor geesalaa jirey (boqor geesa leh ayaa jiray)
Oo goostay weligii (oo go’aansaday weligiisa)
Inaan iinta lagu garan. (in ceebtaas uu lahaa aan la ogaan)
Fule waa geddiisoo (fulay tabtiisa ayaa badan)
Wuxuu goorba hubiyoo (wuxuu had iyo jeer geesaha taabto)
Gedfo oo cimaamado, (uu qariyo, cimaamadna ku duubo)
Nin gaaraa sirtii helay (nin u adeegi jiray ayaa sirtiisa ogaaday)
Godob buuse taransaday (adeegihii dambi ayuu xambaarsaday)
Garashadu u sabab tahay (sirtaas uu ogaaday ayaa sabab u ahayd)
Qof gafaana laga dhigay, (boqorka wuxuu adeegaha u arkay inuu yahay qof qalad ka suuroobo)
Hadduu gaabsan waayana (hadduu adeegaha afkiisa xiri waayana)
Inuu gowrac jiro maqal.(waxaa loo sheegay in kaw laga siin doono)

Wax badan ayuu sirtaas uurka ku haayay ilaa uu is celin waayay. Wuxuu aaday duurka, markaasuu god intuu qoday ayuu ku faaruqiyay sirta calooshiisa ku jirtay. Gaariye wuxuu maansada kusoo gabagabeeyay sidaan:

Geeskii warkiisii (geeskii sheekadiisa)
Kii cabudhay kolkii ganay (ninkii sirta isku ceshay markuu sii daayay)
Garbihiisa laga duul (culeyska garbaha ka saarnaa ayaa ka haaday)
Gebigii fudayd noqoy (isagoo dhan ayaa fudayd dareemay)
Goobtiina aasyoo (godkii uu qoday ayuu duugay)
Ka hurgufay go’iisii (dharkiisa ayuu ka jafay ciidda)
Galbay oo ka sii socoy. (wuu dhaqaaqay oo meeshii ayuu ka socday)
Ka gadaalna meeshii (kaddibna meeshii uu sirta ku aasay)
Laye “goortii roob helay, (waxaa la yiri, “markuu roob ku da’ay,)
Geesaa ka soo baxay.” (geeso ayaa dhulkii ka soo baxay)

Hooyo dadaalkeeda ugama darin. Maalin maalmaha ka mid ah, ayay haddana jikadii ku laabatay waxayna soo heshay sirtii. Kuugga sirtii god kuma soo xabaalin ee wuxuu ku riday salladda qashinka. Si farsamaysan ayuu ugu riday ayadoo salladda kasoo jeedda sida geesaha goodirka. Waxa la qarinaayay wuxuu ahaa doolshaha baakadda laga qaso! Si tartiib ah ayay u soo qaadatay oo garbasaarta hoosteeda gashatay. Howsha inteeda kale waxay u tiillay aabbe, inuu doolshahaas ka raadiyo Xamar.

Subarmaarketka markaan ku arko doolshaha baakadaha, waxaan soo xasuustaa hooyo sheekadeeda, waana dhoolla caddeeyaa.

(Maansada oo wada dhan waxaa ka heli kartaan poetrytranslation.org)

 

Daabac Soo’da

Daabac Soo’da oo Sawirro Leh

 

Maqaaddiirta:

(QW waa qaaddo weyn – midda cuntada lagu cuno; qy waa qaaddo yar)
(1 koob = 237 mL = 2.4 dl; 1 QW = 15 mL; 1 qy = 5 mL)

 

  • 1¾ baawun (800 g) Falleeti saalmon
  • 3 Tuun (toon) (shiidan)
  • ¼ qy (1.25 mL) Filfil madoow shiidan
  • 1 qy (5 mL) Cusbo
  • 3 QW (45 mL) Saliidda oliifada
  • 2 QW (30 mL) Mastard malab leh
  • 2 qy (10 mL) Bur cad

Insalaaddo Karooto:

  • 3 Karooto
  • 1 Liin (la miiray)
  • 1 Oranjo (la miiray)
  • 3 QW (45 mL) Saliidda oliifada
  • ½ qy (2.5 mL) Cusbo
  • ¼ qy (1.25 mL) Filfil madoow shiidan
  • 1 QW (15 mL) Malab
  • 1 QW (15 mL) Qal tufaax
  • 1 QW (15 mL) Mastard malab leh
  • ½ koob (75 g) Sabiib yaryar – Ama sabiib caadi ah
  • ¼ koob (80 g) Baqduunis (jarjaran)

Diyaarinta:

Kalluun (Mallaay) Saalmon


Diyaarinta saalmonka la foorneeyay

  1. Saalmonka u jar qiyaasta aad u qaddimaysid.
  2. Isku dar tuunta, filfisha madoow, cusbada, saliidda oliifada, mastardka iyo burka.
  3. Si fiican isku qas.
  4. Saxanka aad ku dubaysid xaanshi alamuunyam saar. Saalmonka ku saf.
  5. Carcarafta aad qastay nuskeeda mari.
  6. Dhinaca kale u geddi. Nuska kale mari. Adigoon daboolin, ku dub foorno lasii kululeeyay 500°F/260°C muddo 12 daqiiqo.

 

Saalmon La Foorneeyay


Saalmon La Foorneeyay & Insalaaddo Karooto


 

Diyaarinta:

Diyaarinta insalaaddada karootada

  1. Karootada makiinad ku xoq.
  2. Haddaad doontid mabsharo isticmaal.
  3. Waxyaabaha sooska isku dar oo dhalo ku shub (liin dhanaan la miiray, oranjo la miiray, saliidda oliifada, cusbo, filfil madoow, malab, qalka tufaaxa iyo mastard). Dhalada si fiican u rux.
  4. Karootada la jarjary, sabiibka iyo baqduuniska baaquli ku rid.
  5. Sooska ku kor shub.
  6. Si fiican u walaaq. Horey ayaa ka qaddimi kartaa, laakiin insalaaddada waxay ku sii fiican tahay in qaboojiyaha la geliyo muddo laba saacadood ama inaad sameysid maalin ka hor.

 

Insalaaddo Karooto


 

Saumon Grillé & Salade de Carottes

www.xawaash.com

Certaines recettes sont très faciles à trouver. La recette de la salade de carottes en est un exemple. Elle nous a été envoyée par notre amie J. qui vit en France. Elle est la personne qui fait la traduction en français pour nous. Merci J.! (*you’re welcome ^^*)

Certaines recettes sont difficiles à obtenir. Beaucoup d’entre nous ont eu l’expérience d’aller visiter un ami ou un proche, de se faire offrir un plat dont on tombe amoureux dès la première bouchée. Mais la recette est un secret. Il ne sert à rien d’insister pour obtenir la recette, parce que si vous insistez vraiment, soudain la recette des samosas donne des hot dogs.

Ma mère nous raconta l’histoire du gâteau qu’elle avait goûté chez son amie. A l’époque, elle était à Baidoa, Somalie et son amie était une dame Américaine dont le mari travaillait à Bonca, la ferme expérimentale près de Baidoa. A chaque fois qu’elle lui rendait visite, elle lui offrait de ce gâteau délicieux avec une tasse de thé. Quand ma mère lui demandait la recette, son amie esquivait toujours la question, ceci signifiant évidemment que la recette était un secret.

Une Américaine en Somalie, bien sûr, ne cuisine pas tous les jours! Elle avait un cuisinier Somali mais il était tenu au secret et il ne parlait pas. A de nombreuses reprises, le cuisinier voyait ma mère entrer dans la cuisine sous un faux prétexte et repartir les mains vides. La position de cuisinier n’était pas enviable. Il avait le poids du secret et portait en lui un mot qui voulait s’exprimer. Sa situation difficile me rappelait le poème Kudu de Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye. Il dit cecii:

Il y a longtemps vivait un roi A qui il poussa une paire de cornes – juste des bourgeons, au début, mais il les vérifiait chaque jour et portait son turban bas pour cacher cette tache, pour cacher cette marque de la honte.

Mais un roi, évidemment, ne lave pas lui-même ses cheveux! Son serviteur était au courant de l’embarras du roi et jour après jour cette information grandissait en lui, un mot qui devait être prononcé, un terrible secret qui devait être dit.

Jour après jour, le pauvre servant souffrait en silence jusqu’au jour où il sortit de la ville, creusa un trou dans le sol et murmura son secret à la Terre. Gaariye termine ensuite son poème ainsi:

Quand l’homme raconta son histoire à la terre, le fardeau disparut, il partit sous terre, et l’homme, * *, s’épousseta et repris son chemin. Et c’est la plus étrange partie de cette histoire: aujourd’hui encore, quand la pluie tombe doucement à cet endroit dans la brousse, à ce même endroit où il planta son secret, des cornes de kudu sortent du sol.

La persévérance de ma mère porta ses fruits. Un jour, elle entra dans la cuisine et découvrit le secret. Le cuisinier n’avait pas caché le secret dans un trou dans le sol. Il l’avait stratégiquement mis dans la poubelle et il dépassait comme les cornes d’un kudu: une boite vide de préparation pour gâteau! Elle le mis sous son garbasaar (châle) pour le donner à mon père et ainsi accomplir sa mission.

Quand je vais au supermarché et que je vois les paquets de préparation à gâteau dans les rayons, je me rappelle cette histoire et je souris.

(Vous pouvez trouver le poème complet chez poetrytranslation.org)

 

Imprimer la Recette

Imprimer la Recette avec Photos

 

Ingrédients:

(cs est cuillère à soupe; cc est cuillère à café)
(1 mesure = 237 mL = 2.4 dl; 1 cs = 15 mL; 1 cc = 5 mL); mesures à ras

 

  • 1¾ livre (800 g) de filet de Saumon
  • 3 Gousses d’Ail (hachées)
  • ¼ cc (1.25 mL) de Poivre Noir moulu
  • 1 cc (5 mL) de Sel
  • 3 cs (45 mL) d’Huile d’Olive
  • 2 cs (30 mL) de Moutarde au Miel
  • 2 cc (10 mL) de Farine tous usages

Salade de Carottes:

  • 3 Carottes
  • 1 Citron (pressé)
  • 1 Orange (pressée)
  • 3 cs (45 mL) d’Huile d’Olive
  • ½ cc (2.5 mL) de Sel
  • ¼ cc (1.25 mL) de Poivre Noir moulu
  • 1 cs (15 mL) de Miel
  • 1 cs (15 mL) de Vinaigre de Cidre
  • 1 cs (15 mL) de Moutarde au Miel
  • ½ mesure (75 g) de Raisins secs
  • ¼ mesure (80 g) de Persil (haché)

Instructions:

Filet de Saumon


Étapes de préparation du saumon grillé

  1. Découper le filet de saumon en portions individuelles
  2. Mélanger l’ail, le poivre noir, le sel, l’huile d’olive, la moutarde au miel et la farine dans un bol.
  3. Bien mélanger.
  4. Poser les morceaux de saumon sur une plaque de cuisson recouverte de papier aluminium.
  5. Étaler la moitié de la marinade sur les filets de saumon.
  6. Étaler l’autre moitié de la marinade sur l’autre côté des filets de saumon. Cuire 12 minutes sans couvrir dans un four préchauffé à 500°F/260°C.

 

Saumon Grillé


Saumon Grillé & Salade de Carottes


 

Instructions:

Étapes de préparation de la salade de carottes

  1. Râper les carottes dans un robot.
  2. Vous pouvez aussi utiliser une râpe.
  3. Assembler tous les ingrédients de la vinaigrette (jus de citron, jus d’orange, huile d’olive, sel, poivre noir, miel, vinaigre de cidre et moutarde au miel). Bien mélanger.
  4. Mettre les carottes râpées dans un bol et ajouter les raisins secs et le persil haché.
  5. Verser la vinaigrette.
  6. Bien mélanger. La salade peut être servie immédiatement mais elle est meilleure si elle est réfrigérée quelques heures ou même toute une nuit.

 

Salade de Carottes


 

سلمون بالفرن وسلطة الجزر

www.xawaash.com

اطبع الوصفة – بدون صور

اطبع الوصفة – مع صور

المقادير

 
كوب = 237 مل، ملعقة كبيرة = 15 مل، ملعقة صغيرة = 5 مل
 

فيليه السلمون جم 800
(فص ثوم( مفروم 3
فلفل اسود مطحون ملعقة صغيرة ¼
ملح ملعقة صغيرة 1
زيت زيتون ملعقة كبيرة 3
ملعقة كبيرة 2
طحين ابيض متعدد الأغراض ملعقة صغيرة 2
سلطة الجزر
جزر 3
ليمون 1
برتقال 1
زيت زيتون ملعقة كبيرة 3
ملح ملعقة صغيرة ½
فلفل اسود مطحون ملعقة صغيرة ¼
عسل ملعقة كبيرة 1
خل التفاح ملعقة كبيرة 1
خردل بالعسل ملعقة كبيرة 1
الكشمش (زبيب صغير) جم 75
بقدونس جم 80

 

طريقة التحضير:

 

فيليه السلمون


 

طريقة تحضير السلمون بالفرن

يقطع السمك الي اجزاء بحجم حصص التقديم -1
يوضع الثوم، الفلفل الاسود، الملح، زيت الزيتون، الخردل والطحين في سلطانية. -2
تخلط التتبيلة جيدا -3
تغطى صينية الفرن بورق الالمنيوم ثم ترص عليها قطع السمك -4
يتبل السمك بنصف التتبيلة -5
تتبل الجهة الاخرى. يخبز في فرن مسخن مسبقا على حرارة 500°F او 260°C لمدة 12 دقيقة -6

 

سلمون بالفرن


سلمون بالفرن وسلطة الجزر


 

طريقة التحضير:

 

طريقة تحضير سلطة الجزر

يبشر الجزر -1
يمكن استخدام بمبشرة يدوية -2
تخلط مقادير التتبيلة (عصير الليمون، عصير البرتقال، زيت الزيتون، الملح، الفلفل الاسود، العسل، خل التفاح والخردل) وتهز جيدا -3
يوضع الجزر المبشور في سلطانية. يضاف الكشمش (زبيب صغير) والبقدونس -4
تضاف التتبيلة -5
تخلط جيدا ثم تقدم. يفضل وضعها في الثلاجة لمدة ساعتين او اكثر. -6

 

سلطة الجزر

 

 

 

 

 

Related posts:

39 Responses to Baked Salmon & Carrot Salad (Saalmon La Foorneeyay & Insalaaddo Karooto) Saumon Grillé & Salade de Carottes سلمون بالفرن وسلطة الجزر
  1. saabiriina
    March 1, 2013 | 5:26 am

    maasha alaah walaal jazaakalaah ilaah haniga siiyo ajar iyo xasanaat aan la soo koobi karin waxaa webkiina ku xiran dad badan oo cunta karis aanan aqoon laakin hada ka bartay oo aan aniga ka mid ahay ayaan ingu mahadcelinaa Ilaah ha ni siiyo qeer

    • A&L
      March 1, 2013 | 9:03 pm

      Aamiin walaal. Adigana qayr badan Ilaahay ha ku siiyo. Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay xiriiriskaada.

  2. aamina
    March 1, 2013 | 6:11 am

    salmonka baradhadiisa seeloosameeyay soogaliya walal waad mahadsantihiin

    • A&L
      March 1, 2013 | 11:19 pm

      Adigaa mudan. Hadduu Eebbe idmo waan ku xijinaynaa.

  3. Rooda
    March 1, 2013 | 8:10 am

    Asc maasha Allah aad iyo aad ayaad u mahad santihiin jzka Allahu kheyran :) :) :)

    • A&L
      March 1, 2013 | 11:22 pm

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
      Mahadsanid walaal.

  4. Xasan Yare
    March 1, 2013 | 4:11 pm

    Nice article Midda soomaliga. Sida gabayga aad noogu fasirtay dhalinyaradeenna uu ku adagyahay Ereyada Gabayga. Hard Worker ayaa tahay sxb

    • A&L
      March 1, 2013 | 11:31 pm

      Mahadsanid walaal. Waxaan had iyo jeer jecel nahay inaan dhallaankeenna u bandhigno hiddaheenna iyo dhaqankeenna, ha noqoto dhanka cuntada, heesaha, murtida, fanka iyo farshaxanka.

  5. Ayaan abdullahi Ali
    March 1, 2013 | 4:29 pm

    masha’alah… aad ayd u mahadsan tihiin walalayal, kheyr badan illaah ha idin siiyo insha’alah, sheeko aad u xiiso badan iyo recipe aad u mcn oo diyaarin qurux badan masha’alah, xawaash.com class aan jecelnahay ayuu noo yahay mar waliba kama maqnaado, guuleysta walalayal.

    • A&L
      March 1, 2013 | 11:42 pm

      Waan ku faraxsan nahay sida xiisaha leh aad inoo xiriirisid walaal. Aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay. Qayr, farxad iyo caafimaad ayaan Eebbe kaaga baryaynaa.

  6. huda
    March 1, 2013 | 6:22 pm

    asc wl aad bad u mahad santihiin walee mar walba wan eega waxa cusub marlabad tnkz wl hadanan haysan Honey mustard maxan ugu badali karaaa

    • A&L
      March 1, 2013 | 11:53 pm

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
      Tuun (toon) iyo in yar oo huruud ayaa ku beddeli kartaa. Mahadsanid walaal.

  7. Aalia
    March 2, 2013 | 2:51 am

    manshallah allah haydinbarakeeyo
    waa rashin aad an uga helay soomali
    rashinkaris saan may utaqaan waaw

    • A&L
      March 3, 2013 | 12:08 am

      Ilaahay ha ku daayo, qayrna ha ku siiyo. Waan ku faraxnay inaad jeclaatay. Mahadsanid walaal.

  8. umu raxma
    March 2, 2013 | 11:40 am

    jasaakumulaahu qayran aqwaatii waxaa inaa nii weydiyo aa raway mashmashka birtaawada lugu duwaayo mid asi ugoni eh inee noqoto miyaa mise mida aa sanbuuska & burka ku duwanaayo asine waa ku duwi karaa waxaa maqlay in bir gooni uu u baahan yahay hadii kale uu si fiican u suubsameeni uu halaawaayo iga jaahil bixiya idinkoo aad & aad u mahadsan birtane inee god ahaato ma ohoo

    • A&L
      March 3, 2013 | 12:29 am

      Waa ku mahadsan tahay faallada. Qasab ma’ahan bir gooni inaad u soo gadatid. Waxaa u baahan tahay bir godan, midda sambuuska aa ku dubatid hadday godan tahay waa ku duban kartaa.

  9. kharuuja
    March 2, 2013 | 3:19 pm

    asc wr wbr walaalayaal aad baan idiin salaamay ilaahna ajar haidin ka siiyo ilaah hanoo kiin dhaafo intay bahda xawaash noo joogto cunta karin maka walwaleeno ani iyo gabdho badan oo meeshaan soo galo kurbada cunta kariska waanaga feeden ilaah idinkana adun iyo aakhiraba kurbo idinma tuso aniga cunta karislee kama faaideesano af soomaaliga aan ba si fiican uga baranoo yaa qaabkaan malayga salmonka lee maan ku sameenayaa mise noockasta oo malaayga kamid ah saan waa u sameen karaa miyaa waadna mahadsantihiin xawaash.com

    • A&L
      March 3, 2013 | 12:47 am

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
      Aamiin walaal. Duca aad u fiican oo aan ku faraxnay ayaad noogu ducaysay. Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay. Ilaahay waxaan kaaga baryaynaa intaad noogu ducaysay iyo in ka badan.

      Saalmon keliya qasab ma’ahan, laakiinse mallaayga waa inuu ahaadaa mallaay caddiin leh sida halibut, tilapia, mackerel. Mahadsanid.

  10. um asmaa
    March 2, 2013 | 9:24 pm

    asalaamu caleykum walaalaheyga qhaaligoow dhamaantiin aadaa umahadsantihiin maashaa allaah tabaarakallaah shukrran calaa waxqabadkiina wanaaga quruxdabadan ajar iyo xasanaad allaah haniigasiiyo dhamaantiin qeer iyo farxad kuwada waara idinka iyo intaajeceshihiinba wallaal runtii waa waxmacaan sufradhana qurux qaas uyeela dhamaantiin mahadsanidiin jazaakallaahqheyr waqer jamiicmuslim

    • A&L
      March 3, 2013 | 12:51 am

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
      Walaasheenna qaaliga ah, aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay. Waan ku faraxnay faalladaada iyo ducadaada fiican. Ilaahay waxaan kaaga baryaynaa qayr badan oo aan dhammaan adiga iyo inta aad jeceshahay oodhan.

  11. umu raxma
    March 3, 2013 | 9:35 am

    mahadqanidiin walaheeyga sida dag daga aad igu sooo jawabteen shukran

    • A&L
      March 4, 2013 | 12:52 am

      Adigaa mudan walaal.

  12. ahmed
    April 2, 2013 | 1:51 pm

    Dear A & L ,

    I would like to say that I am really appreciated with your work on Somali food. The way you organize and respond to viewers and the food its self is fantastic. I wish you all the best in life.

    I have recently heard that Fingreek or Xulba as the somalis call is cure for many diseases. Could please you provide some recipes for its preparation.

    Thanks in advance.

    Regards,
    Ahmed

    • A&L
      April 3, 2013 | 12:18 pm

      Thank you very much for your kind words. God willing, we plan to post recipes about fenugreek in the near future. God bless you.

  13. sharmaarke khliif ibraahim
    April 3, 2013 | 10:51 am

    ALA MACAAN BADDANAA WALAAL MAXAAD KUDARTEEN WALAAHI WAAN KA YAABAY MALAAY WAAN KU DHNTAA SXB

    • A&L
      April 3, 2013 | 12:22 pm

      Waxaan rajaynaa inaad samaysatid. Mahadsanid walaal.

  14. Umu sowda
    May 2, 2013 | 12:59 am

    Asc walal dhamantin wad mahadsantihin inta isku hawshay shaqadan wayo anaga wa nagu culus tahay inan so gubino 1 peg xita o cunada ka hadlaya waxana kafa’iday inbadan masha.allah

    • A&L
      May 4, 2013 | 12:34 am

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
      Aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay walaal. Waan ku faraxsan nahay inaad ka faa’iidaysanaysaan.

  15. ayaan J
    October 31, 2013 | 7:37 pm

    Asc! just wanted let you know that you are doing a fantastic job and cant get enough of your website mashallah. it really has helped me enormously . wish you all the best inshallah.

    • A&L
      November 2, 2013 | 8:44 pm

      Thank you very much for your encouraging words. We are happy we could help. God bless you.

  16. saamiya jimaale
    November 24, 2013 | 9:49 am

    walalayaal wxa jiro dad bahi uqaba cunta kariska lkn an fahmeen luqada engilishka wxy codsanayan in laga dhigo luqadda somali si ay ufahman cunta kariska mahadsanidiin walaalayaal

    • A&L
      November 24, 2013 | 10:27 pm

      Afar luqadood ayaan ku micneynaa. Luqad walba bog u gaar ah ayaan u samaynay. Waxaad gujisaan masawirka koowaad hoostiisa meesha af Soomaali ku qoran.

  17. Shukri
    November 28, 2013 | 9:42 pm

    I would like to say Congrats to the couple who made this websit. I have been cooking since i was 8 years old, when I found out about the websit I was really happy and also to see a Somalia people who could benefit others.I also learned a lot from here and still learning new stuff. Thank you very much for this.

    • A&L
      December 2, 2013 | 5:11 pm

      You are most welcome, Shukri. Thank you very much for your kind words. We are happy we could help.

  18. umuhamza
    June 5, 2014 | 1:15 am

    Asc wr wr walaal illaahey ajarbadan ha idinka siiyo aad ayaan ugu helay website kiimacaankiyaa xawaash walaal suaal ayaan idinweydiina tan hore hadaan hesanin honey mastar m axaan kubadala haduu fish ka freezen yahay sacada ma ukordhiya

    • A&L
      June 9, 2014 | 12:38 am

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
      Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay faallada iyo ducada. Waxaad ku beddeli kartaa 2 qy malab iyo 1/4 qy oo huruud.

  19. Amina
    October 27, 2014 | 5:58 am

    ASC aad ayan uga helay salmonka iyo waliba ansalatada karootka waxan idin leeyahay Fjzkumulahu kheyran howl culus ayaad noo heysaan abaalkiina jano Allaha ka dhigo aameen

    • A&L
      November 3, 2014 | 1:31 am

      Aamiin walaal. Aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay.

  20. Naima
    January 16, 2016 | 10:40 am

    Hi I’m trying to do ure baked salmon and carrot salad. What kind of honey mustard did u use. I live in London uk I could only find honey mustard dressing and honey mustard marinade. Plz help

Leave a Reply to sharmaarke khliif ibraahim

Wanting to leave an <em>phasis on your comment?

Trackback URL http://xawaash.com/wp-trackback.php?p=6029

About (Annaga)
Qui Sommes Nous نبذة عنا

We are a husband and wife team and we live in Canada. In a world full of food complications, we make cooking very simple. Our recipe videos will make your cooking easy, relaxed and enjoyable. We bring you the foods we love from Somalia and from around the world.