Ku dhadhami soo’yadan Makhaayadda Xawaash xawaashrestaurant.com
Saalmon La Foorneeyay & Insalaaddo Karooto
Cuntada rasmiga · Insalaaddo · Raacis

Saalmon La Foorneeyay & Insalaaddo Karooto

English
Baked Salmon & Carrot Salad
Français
Saumon Grillé & Salade de Carottes
العربية
سلمون بالفرن وسلطة الجزر

Waxaa qoray · ·

Caafimaadka u roon 18 mukawin 12 tallaabo Diyaarin 20 daqiiqoKarin 12 daqiiqoWadar 30 daqiiqo ENSOFRع Faallooyin
Ku akhri

Cuntooyinka qaarkood si fudud ayaa loo helaa sida loo sameeyo. Soo’da Insalaaddada Karootada ayaa tusaale u ah. Waxaa soo’daas inoo soo dirtay saaxiib deggan waddanka Faransiiska oo la magac baxday J. Waana iyada qofta waxa aan qorno ku tarjunta af-Faransiiska. Aad ayay ugu mahadsan tahay.

Waxaase jira soo’yo badan oo si sahlan lagu haleeli karin. Waxaan filaynaa in badankeenna ay nasoo martay inaan cunnay cuntooyin aan aad u jeclaysannay laakiin naloo diiday soo’dooda. Dadka qaarkood si cad ayay kuugu sheegaayaan inay soo’da sir tahay, qaar kalena way ka meeraystaan su’aasha. Faa’iido ma lahan inaad ku adkeysatid in soo’da lagu siiyo. Haddii aad ku adkaysatid, soo’da muufada lagu siiyay waxaa ka sameysmaya cambaabur.

Hooyo Faadumo waxay inooga sheekeysay doolsho ay mar ka cuntay guriga saaxiibteeda. Berigaas waxay joogtay magaalada Baydhabo, saxiibteedana waxay ahayd Maraykan oo odaygeeda madax ka ahaa beerta cilmi baarista ee Bonka. Goor kasta ay saaxiibteeda booqato, waxaa la siin jiray doolshahaas aadka u macaanaa. Wey isku dayday inay soo’da ka hesho laakiin wey kasoo saari weysay.

Haweenayda Maraykanka ah waxaa u shaqeyn jiray kuug (cunta kariye) Soomaali ah oo cuntada u karin jiray. Hooyo wey isku dayday inay sirta ka hesho, laakiin si xoog leh ayaa loogu adkeeyay inuu sirtaas bixinin, hadduu gaabsan waayana inuu gowrac jiro maqal. Dhoor jeer ayuu arkay hooyo oo jikada soo galeysa ayadoo wax ku marmarsoonaysa, laakiin mar walba ayadoo gacma maran ayay ka bixi jirtay. Kuuggii sirta way ku culusaatay, wayna hurdo seejisay. Dhibka haystay wuxuu i xasuusiyay maanso uu curiyay abwaanka caanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye (AUN). Maansada waa Madax Goodir, wuxuuna yiri:

Nin gaaraa sirtii helay (nin u adeegi jiray ayaa sirtiisa ogaaday)

Garashadu u sabab tahay (sirtaas uu ogaaday ayaa sabab u ahayd)

Daawo

Mukawinaadka

1 koob = 237 mL · 1 QW = 15 mL · 1 qy = 5 mL (QW waa qaaddo weyn; qy waa qaaddo yar).

Saalmon La Foorneeyay & Insalaaddo Karooto

Insalaaddo Karooto

Diyaarinta

Taabo tallaabo si aad u calaamadiso inay dhammaatay.

  1. Kalluun (Mallaay) Saalmon
  2. Diyaarinta saalmonka la foorneeyay
  3. Saalmonka u jar qiyaasta aad u qaddimaysid.

  4. Isku dar tuunta, filfisha madoow, cusbada, saliidda oliifada, mastardka iyo burka.

  5. Si fiican isku qas.

  6. Saxanka aad ku dubaysid xaanshi alamuunyam saar. Saalmonka ku saf.

  7. Carcarafta aad qastay nuskeeda mari.

  8. Dhinaca kale u geddi. Nuska kale mari. Adigoon daboolin, ku dub foorno lasii kululeeyay 500°F/260°C muddo 12 daqiiqo.

  9. Saalmon La Foorneeyay
  10. Saalmon La Foorneeyay & Insalaaddo Karooto
  11. Diyaarinta insalaaddada karootada
  12. Karootada makiinad ku xoq.

  13. Haddaad doontid mabsharo isticmaal.

  14. Waxyaabaha sooska isku dar oo dhalo ku shub (liin dhanaan la miiray, oranjo la miiray, saliidda oliifada, cusbo, filfil madoow, malab, qalka tufaaxa iyo mastard). Dhalada si fiican u rux.

  15. Karootada la jarjary, sabiibka iyo baqduuniska baaquli ku rid.

  16. Sooska ku kor shub.

  17. Si fiican u walaaq. Horey ayaa ka qaddimi kartaa, laakiin insalaaddada waxay ku sii fiican tahay in qaboojiyaha la geliyo muddo laba saacadood ama inaad sameysid maalin ka hor.

Sawirro

Faallooyin

39 faallo

Mahadsanid! Faalladaadu waxay soo bixi doontaa marka aan hubinno.

Faallo ka tag

Faallooyinka waa la hubiyaa ka hor inta aysan soo bixin.

  1. Naima

    Hi I’m trying to do ure baked salmon and carrot salad. What kind of honey mustard did u use. I live in London uk I could only find honey mustard dressing and honey mustard marinade. Plz help

  2. Amina

    ASC aad ayan uga helay salmonka iyo waliba ansalatada karootka waxan idin leeyahay Fjzkumulahu kheyran howl culus ayaad noo heysaan abaalkiina jano Allaha ka dhigo aameen

    1. A&LXawaash

      Aamiin walaal. Aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay.

  3. umuhamza

    Asc wr wr walaal illaahey ajarbadan ha idinka siiyo aad ayaan ugu helay website kiimacaankiyaa xawaash walaal suaal ayaan idinweydiina tan hore hadaan hesanin honey mastar m axaan kubadala haduu fish ka freezen yahay sacada ma ukordhiya

    1. A&LXawaash

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

      Aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay faallada iyo ducada. Waxaad ku beddeli kartaa 2 qy malab iyo 1/4 qy oo huruud.

  4. Shukri

    I would like to say Congrats to the couple who made this websit. I have been cooking since i was 8 years old, when I found out about the websit I was really happy and also to see a Somalia people who could benefit others.I also learned a lot from here and still learning new stuff. Thank you very much for this.

    1. A&LXawaash

      You are most welcome, Shukri. Thank you very much for your kind words. We are happy we could help.

  5. saamiya jimaale

    walalayaal wxa jiro dad bahi uqaba cunta kariska lkn an fahmeen luqada engilishka wxy codsanayan in laga dhigo luqadda somali si ay ufahman cunta kariska mahadsanidiin walaalayaal

    1. A&LXawaash

      Afar luqadood ayaan ku micneynaa. Luqad walba bog u gaar ah ayaan u samaynay. Waxaad gujisaan masawirka koowaad hoostiisa meesha af Soomaali ku qoran.